4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2012
Boqollaal Qof oo lagu Soo Qabqabtay Howlgallo Maanta ka Dhacay Kismaayo

Khamiis, November 01, 2012 (HOL) —Howlgallo ballaaran oo ay maanta gudaha magaalada Kismaayo ka fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ayay kusoo qabqabteen boqollaal qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa HOL u sheegay in howlgalladii maanta lagu qabqabtay boqollaal qof oo u badan dhalinyaro kuwaasoo lagu eedeeyay in ay katirsanyihiin Al-shabaab.

Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni C/naasir Seeraar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalladii maanta ay kusoo qabqabteen ilaa 300 oo qof, kuwaasoo uu xusay in looga shakisanyahay in ay katirsanyihiin Al-shabaab.

Sidoo kale masuulkani ayaa sheegay in qaar kamid ah wadooyinka magaalada ay kasoo saareen Miinooyin lagu aasay kuwaasoo uu xusay in la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka.

Howlgallada maanta ay ciidamada ka sameeyeen magaalada Kismaayo ayaa ah kuwii ugu cuslaa ee ay fuliyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni tan iyo intii ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.

Masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo ayaa sheegay in howlgallada aysan ku ekaan doonin maanta oo qura balse ay socon doonaan inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee magaalada Kismaayo.

Tan iyo markii magaalada Kismaayo ay gashay gacanta ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ee iskaashanaya waxa magaalada kusoo badanayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo aan ilaa imika la garaneyn cidda rasmiga ah ee ka danbeeysa walow saraakiisha dowladda ay ku eedeeyeen Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo, Soomaaliya