4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2012
Xukuumadda Kenya oo sheegtay inaysan ku lug lahayn Maamul u Sameynta Gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya
Khamiis, November 01, 2012 (HOL) — Iyadoo muran weyn uu ka taagnaa maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka ayaa dowladda Kenya waxay markii ugu horreysay ku dhawaaqday inaysan lug ku lahayn maamul u sameynta gobolladan Koonfurta Soomaaliya ku yaalla.


Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Kenya, Richard Onyonka ayaa sheegay inuusan dalkiisu wax lug ah ku lahayn maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, isagoo iska fogeeyay hadallada ku saabsan in Kenya ay doonayso inay qayb ku yeelato maamul u sameynta Jubbooyinka.

"Kenya faragelin kuma hayso maamul u sameynta Jubbooyinka, waayo Soomaaliya waa dal madax-bannaan oo xaq u leh inay maamul u samayso gobollada dalkooda," ayuu yiri Onyonka.

Mas'uulkan Kenyaatiga ah ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu ururka Midowga Afrika kusoo bandhigayay waxqabadka ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin dib u dhisidda nabadda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaan iyadoo dhawaanahan uu ka socday magaalada Nairobi shir looga arrinsanayay maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka taasoo ay soo dhaweeyeen mas'uuliyiinta maamulka Raaskambooni oo qayb ka ah dagaalka lagu qabsaday Kismaayo iyo deegaanno kale oo gobolka Jubbada hoose ka tirsan.

Dhanka kale, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Kenya wuxuu beesha calaamka ka dalbaday inay kordhiyaan gargaarka bani'aadamnimo ee la siinayo Soomaaliya, isla markaana uu noqdo mid joogto ah.

Kenya ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan in ka badan 4,000 oo askari oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo dowladda Soomaaliya ka caawinaya dagaalka ay klua jirto xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya