3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dalbaday in xorriyadooda loosoo celiyo Qaar ka mid ah Ilaaladiisa oo u xiran Qaraxii Tiyaatarka

Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa ka dalbaday guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee DKMG ah inuu sida ugu dhaqsiyaha badan xorriyadooda ugu soo celiyo ilaaladiisa qaarkood kuwaasoo u xiran tuhun la xiriira qaraxii ka dhacay horraantii bishii hore Tiyaatarka Muqdisho.

Qaraxaas oo ay ku dhinteen toddoba qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 25-qof oo ay ku jireen suxufiyiin ayaa waxaa geysatay gabar dhallinyaro ah, taasoo laga shakisan yahay sidii ay kusoo gashay Tiyaatarka oo ay ka socotay xuska sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dib u howgelintii Telefishinka Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa qoraalkiisan codsiga ah oo soo baxay Arbacadii lasoo dhaafay, wuxuu ku sheegay in isagoo tixgelinaya howsha guddiga baarista qaraxii tiyaatarka isla markaana eegaya xuquuqda uu muwaadinta uu codsanayo in haddii aanay jirin dambi dadkaas lagu horgeynayo maxkamad xorriyadooda dib loogu soo celiyo.

Xubnaha uu ra'iisul wasaaruhu dalbanayo in xorriyadooda loosoo celiyo ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

  1. G/sare, Maxamed Cabdi Qaybdiid
  2. G/lle, Maxamed Daahir Cabdulle
  3. Dhamme, Cabdiweli Maxamed Ilig
  4. Dable, Cabdi Yaasiin Cali
  5. Dable, Qadro Daahir Xalane
  6. Cismaan Ibraahim Macallin Cali
  7. Maxamed Faarax Cali iyo
  8. Cabdfiitaax Cali Xasan

Dhammaan dadkan oo la xiray bartamihii bishii hore ayaa waxay ku xiran yihiin xabsi ay leeyihiin ciidammada nabadsugidda DKMG ah oo ku dhow madaxtooyada iyadoo aan weli wax maxkamad ah lasoo taagin.

Qoraalka ra'iisul wasaaruhu uu ku dalbanayo sii daynta xubnahan ilaaladiisa ka mid ahaa ayaa wuxuu soo saaristeeda u cuskaday qodobbada dastuurka ee kala ah: qodobka 16-aad farqaddiisa labaad iyo lixaad, qodobka 17-aad farqaddiisa labaad xarafka A, qodobka 48-aad, 52-aad iyo 53-aad.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/5/2012 3:31 PM EST
Sabti, May 05, 2012(HOL): Shirkii Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee aayo-ka-talinta dalka Soomaaliya ayaa maanta ka furay xarunta dugsiga sare ee booliska ee magaalada Muqdisho.

5/5/2012 1:47 PM EST
Waxaa maanta si rasmi ah loo soo saaray magacyada odayaal dhaqameedka soo xulidoona xubnaha ansixindoonta Dastuurka Soomaaliyeed.

5/5/2012 9:34 AM EST
Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa ku sugan dugsiga tababarka booliiska oo ay ka socdaan khudbadihii furitaanka shirkaas oo ay 135 oday dhaqameed oo beelaha Soomaalida ka socda ay ku xulayaan ergooyinkii ansixin lahaa dastuurka cusub ee Soomaaliya.

5/5/2012 8:21 AM EST
Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay sababta wefti ka socda Jabuuti looga celiyey xadka ay ahayd Isfahan la’aan weftiga iyo maamulka gobolka Selel, waxaanu sheegay in aanay xukuumadda Somaliland ka war hayn imaanshaha weftiga, taasina ay keentay in laga horjoogsaddo inay gudaha xadka usoo gudbaan.

5/5/2012 8:12 AM EST
Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Dajiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Iiraan, Khaliif Kadiye Muuse ayaa madaxda dalka Iiraan ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii lagu xasilin lahaa Soomaaliya.

5/5/2012 7:15 AM EST
Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday maareeyaha dekedda Muqdisho, Sayid Cali Macallin Cabdulle oo muddo hal sano ah xilkaas hayay.

5/5/2012 4:05 AM EST
Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada milateriga Uganda, Col. Flix Kulayigye ayaa sheegay inay ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku biiriyeen 17,00 oo askair oo dheeraad ah, taasina ay tirada ciidamadooda ka dhigayso 8,000-askari.

5/5/2012 3:49 AM EST
Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada booliiska Kenya, Mathew Iteera oo Jimcihii shalay saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in amaanka dalkiisa ay khatar ku hayaan boqolaal dhallinyaro Kenyan ah oo lagu soo tababaray Soomaaliya.

5/5/2012 3:26 AM EST
Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ku dhexmaray degmada Ceelbuur xoogagga Al-shabaab iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiya.

5/5/2012 3:16 AM EST
Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shalay kasoo laabtay dalka Itoobiya oo ay safar ku joogeen isaga iyo xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade haddana ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay inay wadahadallo hoose kula jiraan xubno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

5/5/2012 3:05 AM EST
Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Waxaa lagu wadaa in saacaha soo socda uu ka furmo dugsiga tababarka booliiska ee iskool bulusiyo shir looga hadlayo musqtablka dalka Soomaaliya, kaasoo ay ka qaybgalayaan 135 oday-dhaqameed oo soo xuli doona guddiga ansixinta dastuurka iyo guddiga xulidda xildhibaannada cusub ee baarlamaanka.