4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 30, 2012
Xiisado Dagaal oo Maanta laga dareemay Duleedka Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose

Arbaco, May 30, 2012 (HOL) — Waxaa maanta xiisado dagaal laga dareemayaa deegaanada hoostaga Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

Xiisadahani dagaal ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ee ku sugnaa deegaanka Xayo ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku weeraraan degmada Afmadow oo ay ku xoogganyihiin Xarakada Al-shabaab.

Guud ahaan degmada Afmadow iyo deegaanada ku Xeeran ayaa maanta waxa ka jirto cabsi ay dadka ku dhaqan halkaasi ka qabaan in uu qarxo dagaal dhexmara ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda KMG oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in ciidamada isbaheysiga ah ay saaka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay ku weeraraan magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Wararka aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in Dagaalyahanno aad u badan oo katirsan Al-shabaab ay magaalada soo buuxdhaafiyeen kuwaasoo ku biiray ciidamada difaaca kaga jira deegaanka Xayo oo hoostaga degmada Afmadow.

Dhinaca kale waxaa xalay ilaa maanta ku socdo magaalada Kismaayo Duqeymo ay geysanayaan maraakiib shisheeye oo la aaminsayahay in ay leedahay dowladda Kenya.

Wararkii ugu danbeeyay ee aynu ka heleyno Kismaayo ayaa sheegaya in duqeymuhu ay socdeen xalay ilaa saaka walow khasaaraha ka dhashay uu yahay mid aan sidaa u badnayn, hadana waxa jirto cabsi ay shacabka ka qabaan in duqeymahaasi ay waxyeelo u geystaan.

Inta la ogyahay Ilaa imika ma jirto cid wax ku noqotay duqeymihii xalay ilaa maanta ku socday Kismaayo, waxaana gudoomiyaha Al-shabaab ee Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub uu sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay kusoo qaadeen maraakiib Dagaal.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya