3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Shirka Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka oo ka socda Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga (DAAWO SAWIRRO)


Talaado, May 29, 2012(HOL): Shirkii odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada Rayidka ah ayaa si habsami leh uga soconaya magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaasoo ay ku shirsan yihiin ku dhowaad 400 oo ergooyin kala matalaya qeybaha Bulshada Rayidka, Qurba joogta, Odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka, waxgaradka iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Shirkan oo furmay 27-kii bishan ayaa waxaa looga hadlayaa aayaha dalka iyo dowladda oo wajaheysa marxalad kala guur ah, waxaana odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidku ay si guud maalintii hore uga shireen xaaladda dalka iyo marxalada kala guurka ah, iyagoo maanta saacadihii hore isugu yimid shir guud abaara duhuradiina loo kala qeybiyay afar qeybood oo kala ah:

Kooxda koowaad;- Siyaasada guud ee dalka (Political)

Kooxda labaad:- Arrimaha Bulshada (Civil Society)

Kooxda Saddexaad:- Dib u soo celinta iyo hagaajinta Dhaqaalaha dalka (Economic Recovery)

Kooxda Afaraad:- Ammaanka iyo xasilinta dalka (Security and Stabilization)


Kooxahan ayaa waxa ay ku kala shirareen saacadihii ugu dambeeyey hoolal waaweyn oo loo diyaariyay ,yadoo doodo dhaadheer oo adadag ay dhex mareen, waxaana ugu dambeyntii lagu gabal dhacsaday iyada oo ay weli si habsami leh u soconayaan doodahaasi iyo fikir isu keenista qeybahaas aan kor ku soo xulnay.

Intii uu socday shirka guud ayaa waxaa khudbado ka jeediyay goobta xubno uu ka mid ahaa C/risaaq Xaaji Xuseen oo ah Ra’iisul Wasaarihii ugu horeeyey ee dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ku boorriyay qeybaha shirkan inay xoogga saaraan natiijo wax ku ool ah oo lagu hago dalka, isaga oo fikirkiisana ka dhiibtay Qabyo qoraalka Dastuurka waxa uuna ku taliyay in la qaato Dastuurkii 1960-kii oo uu sheegay inuu yahay Dastuur afti dadweyne heysta isla markaana ka wanaagsan midka haatan la diyaariyay.

Qeybahan loo kala saaray ergooyinka ayaa waxaa dusha kala socday guddiyo Xiriiriyeyaal iyo Aqoonyahano ah (Experts), kuwaasoo isu duwi doona qaabka ugu haboon ee farsamo ahaan la isugu keeni doono fikirada iyo talooyinka odayaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo culimada, waxaana la filayaa in gabogabada shirka oo ku aadan bishan June 2-deeda in la hor geeyo shirka Caalamiga ah ee madaxda dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya, matalayaasha beesha Caalamka iyo dowladda martigelineysa shirka ee Turkigu ku yeelan doonaan isla magaaladan Istanbul.

Sido kale, maalinta berri ah ayaa la filayaa inay soo gaaraan magaalada Istanbul wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaali Dr. Cabdiweli Maxamed Cali kuwaasoo ka soo kicitimaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana la filayaa in maalinta ku xigta uu soo gaaro madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi kale oo uu hogaaminayo kuwaasoo isu diyaarinaya shirka June 3 ka furmaya Istanbul.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa saaka u dhoofay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga halkaasoo uu kula balansanaa guddoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Turkiga iyaga oo ka wada hadli doona labada guddoomiye hagaajinta xiriirka labada dal iyo horumarinta Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ayayay ku sheegtay inay ku faraxsantahay qabsoomidda shirkan isla markaana ay ka rajeynayaan in matalayaasha Soomaalidu ay muujiyaan mas’uuliyad iyo taxadar dheeri ah si looga gudbo marxaladda kala guurka ah iyada oo la raacayo wadada jeexan ee uu tilmaamayo Roudmapka kaasoo lagu dhameynayo marxaladda kala guurka ah, iyo sidoo kale heshiisyadii Garowe1, Garowe2, Gaalkacyo Agreement, Shirka odayaasha ee weli soconaya iyo Addis ababa Comminique’. Waxayna dhanka kale u mahadcelisay dowladda Turkiga oo qabatay kulankan.








Garaad Salaad Xirsi
Istanbul, Turkey
[email protected]













Click here
5/29/2012 6:34 PM EST
Istanbul, May 29, 2012-----Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe soo gaaray magaalada Istanbul ee caasimadda labaad ee dalka Turkiga halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

5/29/2012 3:46 PM EST
Talaado, May 29, 2012(HOL):Maraakiibtii dagaal ee ku sugnayd xeebta magaalada Kismaayo ayaa caawa markale duqeymo ka bilowday magaalada, iyadoona gantaalada ay maraakiibta tuurayaan ay ku dhacayaan xaafadaha kala duwan ee degmada Kismaayo.

5/29/2012 9:21 AM EST
Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Waxaa lagu wadaa in maalinta bari ah soo gaaraan magaalada Beledweyne ciidamo ka socda dowladda dalka Jabuuti, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya.

5/29/2012 9:13 AM EST
Waxaa May 26 - 28, 2012 ka furmey magaalada Blaine ee Gobolka Minnesota USA koobka lagu magacaabo National Sports Center Cup ( NSC Cup) . Koobkan oo ah kii 20-aad ee Midwest's premier Memorial Day tournament gaar ahaan kubadda Cagta ( NSC Cup Soccer Tournament ) ayaa inta badan waxaa Tartan ku dhexmaraa Iskuuladda isugu soo hara ama soo gaara Cayaaraha kama danbeysta ah (Semi-Finals) .

5/29/2012 9:02 AM EST
Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Maxkamadda sare ee somaliland, ayaa maanta go’aan ka gaadhay khilaafkii u dhexeeyey labadda garab ee xisbiga mucaaradka ah ee UDUB u kala jabay,waxaanay ayideen go’aankii guddidda diiwaangelinta ururadda Siyaasaddu ka soo saareen laba liis oo labadda garab u soo kala gudbiyeen, iyagoo qaatay liiska garabka uu hogaaminayo gudoomiyaha xisbiga UDUB Mr:Daahir Rayaale Kaahin.

5/29/2012 8:11 AM EST
Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Labadan ruux oo midkood uu mayd ahaa ayaa lagu soo bandhigay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyadoo saraakiisha dowladda ee halkaas ka hadlay ay sheegeen in midka maydka ah uu isku dayay inuu baxsado ciidamaduna ay toogteen.

5/29/2012 7:13 AM EST
Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheerad ah ayaa kasoo baxeyso khasaaraha ka dhashay duqeyntii saaka ay maraakiibta dagaal ka geysteen magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

5/29/2012 7:02 AM EST
Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku ridday xukunno isugu jira dil toogasho ah iyo xabsi u dhexeeya hal sano illaa shan sano, eedeysanayaan dambiyo kala duwan loo haystay.

5/29/2012 6:49 AM EST
Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Jimcihii Al-shabaab, inkastoo markii ay Afgooye kasoo laabteen ay kula kulmeen inta u dhexeysa Ceelasha iyo Calamada weerar ay kusoo qaadeen xoogag taabacsan Al-shabaab.

5/29/2012 3:18 AM EST
Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay weerarro ka dhacay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, halkaasoo ay maalmo ka hor ciidamada dowladdu iyo kuwa AMISOM kula wareegeen dagaal saddex maalmood socday.

5/29/2012 3:00 AM EST
Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Booliiska Denmark ayaa sheegay inay xireen laba qof oo Soomaali ah, kuwaasoo haysata dhalashada dalkooda, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay qorsheynayeen qaraxyo argagaxiso oo ay dalkaas ka geystaan.

5/29/2012 2:35 AM EST
Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo aan ilaa imika la garaneyn cida iska leh ayaa saaka duqeymo ba'an ku wada Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, iyadoona duqeymahaasi ay sababeen qasaarooyin lixaad leh.

5/29/2012 2:26 AM EST
Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga oo ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Nairobi ee dhaawacay 35-ka qof ayaa sheegay inuu ahaa mid ka dhashay weerar bambaano oo Kenya lagu soo qaaday.