4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Booliiska Denmark oo sheegay inay qabteen laba qof oo Soomaali ah oo qosheynayay inay Qaraxyo ka geystaan dalkaas

Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Booliiska Denmark ayaa sheegay inay xireen laba qof oo Soomaali ah, kuwaasoo haysata dhalashada dalkooda, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay qorsheynayeen qaraxyo argagaxiso oo ay dalkaas ka geystaan.

Labadan qof oo rag ah ayaa la sheegay inay walaalo ahaayeen, waxaana da'dooda lagu sheegay 18-jir iyo 23-jir, iyadoo booliisku ay sheegeen inay labadan ruux ku kala qabteen shalay oo Isniin ahayd gallinkii dambe magaalooyinka Companhagen oo ah xarunta dalka Denmark iyo magaalada galbeedka ku taalla ee Aarhus.

Saraakiisha ciidamada sirdoonka Denmark ayaa iyaguna sheegay in labadan ruux ay diyaarsadeen waxyaabihii ay qaraxyada ku geysan lahaayeen, hub kala duwan iyo goobihii ay qaraxyada ka geysan lahaayeen.

Hay'adda sirdoonka Denmark ee PET ayaa intaas ku dartay in mid ka mid ah labadan dhallinyarada ah uu tababarro kusoo qaatay saldhigyo ay Al-shabaab ku leedahay gudaha Somaaliya.

"Labada ruux waa Soomaali haysta dhalashada dalka Denmark, waxayna dalkan ku noolaayeen 16-sano," ayaa lagu yiri warbixinta ay PET soo saartay, iyadoo sidoo kale warbixinta lagu sheegay in weerarka ay qorshaynayeen uu noqonayo kii ugu khatarta badnaa ee la damco in dalkaas lagu weeraro.

Dalka Denmark ayaa waxaa ku nool Soomaali fara badan, waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay ciidamada ammaanka dalkaas u qabtaan laba qof oo Soomaali falal argagaxiso oo dalkaas laga geysan lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya