4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 29, 2012
Ra'iisul wasaaraha Kenya oo sheegay in Qaraxii ka dhacay Magaalada Nairobi uu ahaa mid ka dhashay Weerar Bambaano

Talaado, May 29, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga oo ka hadlay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Nairobi ee dhaawacay 35-ka qof ayaa sheegay inuu ahaa mid ka dhashay weerar bambaano oo Kenya lagu soo qaaday.

Taliyaha booliiska Kenya, Mathew Iteere ayaa isaguna sheegay inuu ka dhashay qaraxu koronto, balse shirkadda korontada Kenya ayaa sheegtay inaysan jirin koronto qaraxday.

"Weerarku wuxuu ahaa mid argagaxiso oo lagu soo qaaday Kenya," ayuu yiri Odinga oo meesha ka saaray in qaraxa ay sababtay koronto, isagoo xusya inay socdaan baaritaanno arrintan lagu xaqiijinayo.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas, waxaana dadkii ku dhaawacmay weerarka lagu daweynayaa afar isbitaal oo ku yaalla Nairobi, kuwaas oo kala ah; Kenyata Hospital, Meridian Medical Centre, Nation Centre treated iyo Savannah Medical Centre.

Dadka dhaawacmay ayaa dhammaantood waxay ahaayeen Kenya, iyadoo aysan jirin cid weerarkan ku dhimatay, waxaana dadka dhaawacmay ku jira kuwo ay aad u culus yihiin dhaawacyadooda.

Xaaladda dhismayaashii la weeraray ayaa caadi ah, iyadoo booliisku ay qabteen nin ay ku sheegeen inuu weerarka qayb ka ahaa, inkastoo markii dambe lasii daayay kaddib markii baaritaanno lagu sameeyay.

Wasiirka ammaanka Kenya, George Saitoti ayaa sheegay in weerarkan uu yahay mid argagaxiso, ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo kuwii ka dambeeyay, iyadoo la xusuusto in Kenya ay horay uga dhaceen qaraxyo lagu dilay askar iyo dad kale oo shacab ah.

Magaalada Nairobi iyo magaalooyinka kale ee Kenya ayaa waxaa tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore ka dhacay qaraxyo dhowr ah oo ay ku dhinteen dad isugu jira ciidammo iyo shacab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya