3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2012
Koob lagu maamuusayay 18-ka May oo Oslo lagu qabtay (SAWIRRO)


Axad, May 27, 2012(HOL): Waxaa bishan  20 keedii ka dhacay magaalada Oslo ee dalka Norway koob lagu xususayay sanadguuradii 21aad eek a soo wareegtay  gooni isu taagga Somaliland.

Koobkan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan dhalinyarada Soomoaliyeed ee ku nool Oslo iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa qayb wayn ka qaatay  koobkan shirkada Dahabshiil ee Norway. Hadafka ay shirkaddani ka leedahay qabanqaabada koobkan ayaa ah in ay dhalinyaradu isku bartaan, kana waantoobaan  waxyaalaha  maandooriyayaasha  ah sida Qaadka, khamriga  iyo daroogadaba,.

Shirkadan Dahabshiil ayaa sanad walba soo qabanqaabisa koobka 18 May iyo kan 1da July oo ay  runtii dhalinyarada Soomaalidu isku bartaan.

Furitaankii Ciyaarahan ayaa Hoggaamiyaha Dahabshiil  ee dalka Norway Mr. Ahmed Awad waxaa uu ku soo dhaweeyay  Microfoonaka  Guddoomiyaha  SWO ee dalka Norway Mr Abdirashid Ismail oo runtii ku nuuxnuuxsaday in ay farxad gaar ah u tahay in uu kala soo qayb galo koobkan 18 May dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta halkan isugu timid.

Guddoomiye Rashid ayaa ku boorriyay dhalinyarada in ay dadaal dheeraad ah la yimaadaan , maadaama ay iyagu yihiin mustaqbalkii  berri ee wadankeenii Soomaaliya, ayna muujiyaan, ixtiraam , dhaqan wanaag, sharaf iyo dulqaadba.


Waxa kaloo isna goobta ku sugnaa Gudoomiyaha Europe ee shirkada Dahabshiil Mr Abdirahman oo isna  dhiniciisa  ka tusaaleeyay in aynan marnaba shirkada Dahabshiil ka seexan doonin wax alla wixii dan u ah dhalinyarada Somaliyeed eek u nool qurbaha  ayna mar walba garab istaagi doonaan, hadday noqon lahayd caawimaadda garoommada iyo in ay ka caawin doonaan  in ay sii laban laabi doonaan dhaqaalaha  ay ku bixiyaan ciyaaraha sanadkiiba lagu qabto Europe ee ah Soomaalida dhexdooda , si ay dhalinyaradu isku bartaan  iskana ilaaliyaan wax alla wixii wax u dhimi kara dhexdooda,.

Gudoomiye  Dahabshiil Europe Mr Abdirahman  ayaa markiiba  kubaddii u laaday dhexda si uu u furo  ciyaarahan. Sanadkan ayaa waxaa ka soo qayb galay 14 kooxood oo loo kala qaybiyay min lix kooxood.
Labadii koxoodbana ay ciyaaraan min  nusasaac.

Kooxahan ayaa waxay kala ahaayeen sidan:

1 Camuud.  2.  Homlaia. 3. Old-Boys  4. Kaah express 5. Dahabshiil 1
6 Dahabshiil 2.  7 Asker. 8 Barazil. 9 Stovner 10. Tøyen. 11 Banadir.
12. togdher. 13 . Beerlula. 14 Lørenskog.

Sanadkan oo  markii ugu horeeysay ay koox ka socota Brazil ay ka soo qayb gashay ayaa waxaa la filayay in ay koobkan qaadi doonto, maadaamaa Brazil looga bartay ciyaar wanaag iyo in ay kubadda ku xaragoodaan, hase yeeshee kooxdan ayaa mar walba waxaa looga kala badiyay 6 iyo 1, markalena 4 iyo 1, marsadexaadkiina 3 iyo 1 ayaa looga badaiyay.


Mar aan kabtanka kooxdan ka socotay Brazil (Mr Santoos) aan waydiiyay sababta keentay in kooxdooda looga badiyo intaas oo- gool?  ayaa waxa uu ku jawaabay in   dhamaan dhalinyaradii Somaliyeed   ee ay la ciyaareen  runtii ay ahaayeen dhalinyaro  awood ciyaareed leh, mustaqbalkana u keeni doona buu yiri in ay magac iyo maamuus u soo jiidaan wadankooda Somaliyeed iyo kan ay dagan yihiinba , runtii waan ku hanbal yaynayaa ciyaar wanaaga ayuu hadalkiisii ku soo gaba gabeeyay Mr Santoos  oo ka socday Kabtanka  Kooxdii Brazil.

Akhristoow waxaa ugu danbeeyntii Semi- Finalkii isugu soo haray labadii koxood ee ka socotay Shirkada Dahabshiil iyo Koox ka socotay Kaah Express iyo  Koox ka socotay dhalinyarada cuslaatay  Old-Boys  ee Oslo.

Waxaa markiiba foodda isdaray kooxdii Dahabshiil 1 iyo kooxdii Kaah Express,  ciyaartan oo ahayd mid la wada sugayay  madaamaa ay labadan kooxoodba ay la soo baxeen ciyaar wanaag  qaybihii hore ee is reeb reebka ciyaarahan ayaa waxaa markiiba  gool ku hor maray kooxdii ka socotay Dahabshiil1, ciyaartan qaybteedi  hore waxay ku dhamaatay hal iyo waxba .

Qaybtii danbe ayay runtii ciyaartii sii kululaatay oo  weerar iyo weerar celis la isugu waday, hasa yeeshee waxaa markale gool helay kooxdii Dhabshiil  oo  runtii si fiican u soo dhisay goolkan  lugtana isla jaan qaadayay mar walba.

Akhristoow ciyaartan  oo gashay  shantii daqiiqadood ee ugu danbaysay ayay weerar cirka iyo dhulkaba ah ay soo qaadeen kooxdii ka socotay Kaah Express ayaa wxaa u suurta gashay in ay gool quruxbadan  halkaa ka dhaliyaan.  Waxay markiiba ciyaartii isku sii badashay jawi xaraarad leh oo ay kooxdii ka socotay Kaah Express ay la soo baxday ciyaar xiiso leh, nasiib dara se wax danbe halkaa kamay  dhalan, sidaasana  Kooxdii Dahabshiil 1 ay u soo gudubtay Finalkii.

Dhinaca kale ayaa iyagana waxaa  fooda is daray kooxdii ka socotay Old Boys iyo Kooxdii Dahabshiil 2.
Farqiga labadan kooxood ayaa aad u kala duwanaa, oo ah xaga Da-da.


Kooxda Dahabshiil ayaa da-doodu waxay u dhaxaysay  16 ilaa iyo 19, Halka Old Boys ay wada caga cageeynayeen 40.

In kastoo kooxdii ka socotay Old boys ay dadaaleen ciyaaraha qaybihii hore , hadana waxaa ka muuqday daal fara badan.

Sidaasaa mark ale waxaa  ciyaartan ku guulaystay kooxdii iyana ka socotay Dahabshiil 2 , waxay ku badisay 2-0.

Ciyaartii Final ka ayaa waxaa ka soo qayb galay dad wayne aad u fara badnaa iyo masuuliyiin ka kala socotay qay baha kala duwan ee bulshada somaliyeed , siyaasiyiin iyo ganacsatada Somaliyeed ee ku dhaqa Oslo.

Ciyaartan waxay ku dhamaatay Dahabshiil 1 oo koobka hantiyay kagana badiyay Dahabshiil 2 .  2 iyo 0. guushiina ku raacday  kooxdii Dahabshiil.

Akhristoow waxaa hadaba  goobta koobkan lagu bixinayay ku sugnaa Madaxa Shirkada Dahabshiil ee Europe Mr Abdirahman,  Gudoomiyaha Shirkada  Dahabshiil Norway Mr Ahmed Awad, Gudoomiyaha  SWO Mr Abdirashid Ismail.  Lada Xildhibaan ee masala Oslo  Xildhibaan Bashe Muse iyo   Xildhibaanada Fatima A. Madar iyo Madaxa hay-ada   Candle light Shukri Xaaji Bandare.


Hadallo ah  guubaabo iyo xidhitaanka koobkan ayaa halkaa waxaa ka jeediyay Gudoomiyaha shirkada Dahabshiil Norway  Mr Ahmed Cawad , ka dibna ku soo dhaweeyay si uu u bixiyo jaa isada labaad oo ay ku guukeeysteen kooxdii ka socotay Dahabshiil 2 waxaana koobka gudoonsiiyay Mr Abdirahman oo isagu ka socday  Dahabshiil Europe.

Jaa’isadii ugu sarreeysay ayaa iyana waxaa lagu sharfay gudoomiyaha Hay ada Candle light Marwo Shukri Xaji Bandara oo Dahabshiil ku amaantay wax qabadka ay ka wadaan  dhamaan wadankii iyo  Qurbahaba iyo sida ay Dahabshiil u dhiiri gali nayso  dhalin yaradan Somaliyeed ee xisaynaya cayaaraha.   . ugu danbayntii waxaa soo xiray Koobkan  Gudoomiyaha  Ururka  SWO Norway   Mr  Abdirashid Ismail oo ku tilmaamay munaasabada koobkan iyo koobabka kalaba guul u soo hoyatay dhamaan dhalinyarada Somaliyeed ee iyagu xiiseeynaya ciyaaraha,. Ciyaarahan ayuu yiri waxay ku dhamaadeen guul iyo nabad galyo. Dahabshiil iyo dhamaan intii la soo qaban qaabisayna  mahadnaq ayuu halkaa uga soo jeediyay gudoomiyuhu.






Mahad Abdulle
[email protected]
Oslo, Norway













Click here
5/27/2012 2:21 PM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland, Mr: Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa sheegay in shirka 31 May ka dhici doona Istaanbuul ee dalka Turkiga qaybtiisa hore ee lagaga hadlayo horumarinta iyo dhaqaalaha ay ka qaybgali doonaan balse qaybtiisa dambe ee siyaasadda lagaga hadlayo aanay ka qaybgali doonin.

5/27/2012 1:30 PM EST
Axad, May 27, 2012-Shir looga hadlayey “Mustaqbalka Bangiyada Islaamka” oo eey soo agaasintey Jaamacada caalamiga ah ee Al-Madinah (Al-Madinah International University), ayaa waxaa lagu qabtey Library-ga Ummada ee Selangor (Public Library of Selongor), kuna taala magaalada Shah Alam ee Boqorka Selongor uu dagan yahay, ee wadanka Malaysia.

5/27/2012 12:40 PM EST
Axad, May 27, 2012(HOL): Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta ku dhawaaqay in ay qaadaceen ka qeybgalka shirka Soomaalida ee Istanbul II.

5/27/2012 6:26 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidmada Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in qabsashada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ay u tahay muhiim, ayna yareynayso weerarradiii ay Al-shabaab kusoo qaadi jireen Muqdisho.

5/27/2012 6:17 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Taliyaha madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bulshada, Mr: Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa Culimadda ugu baaqay inay dadweynaha ka wacyigeliyaan dhaqanka xun ee tageerka ku salaysan, maadaama oo dad waxa kaliya ay dhagaystaan tahay culimadda iyo abwaanada, balse ay abwaanaddu iyagu waajibaadkii arirntaasi ka saarnaa ay fuliyeen oo ay gabayo badan ka sameeyeen.

5/27/2012 5:34 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ilaa shalay kusoo qulqulaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose dagaalyahanno fara badan oo katirsan Al-shabaab, kuwaasoo la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka gobolka Shabeelaha Hoose oo ay mudooyinkii u danbeeyay ka socdeen dagaallo, waxaana ciidamani ay qeyb ka yihiin ciidamadii dhawaan lagala wareegay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho.

5/27/2012 5:30 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Hay'adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in 9,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii ka dhacay duleedyada Muqdisho oo ay dowladda KMG ah iyo AMISOM ku qabsadeen degmada Afgooye.

5/27/2012 5:14 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhego-badan ayaa uga digay askarta dowladda inay dhibaateeyaan dadka shacab ah iyo hantidooda, isagoo sheegay in askarigii lagu helo falkaas laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

5/27/2012 2:52 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyo xalay ka kala dhacay hoteel ku yaalla degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya iyo xerada qoxootiga IFO oo ka mid ah xeryaha ku yaalla Dhadhaab.

5/27/2012 2:32 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax ayaa xalay ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug dhaawac halis ah oo kasoo gaaray shil gaari oo ka dhacay deegaanka dagaal oo Gaalkcyo ku dhow.

5/27/2012 2:25 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa la wareegay deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho halkaasoo ay maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.

5/27/2012 2:23 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa Kenya ayaa si nabadgelyo ah kula wareegeen deegaan lagu magacaabo Tarato oo hoostada degmada Baardheere ee gobolka Gedo.