3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 27, 2012
Maamullada Puntland iyo Galmudug oo qaadacay shirka Soomaalida ee Istanbul II


Axad, May 27, 2012(HOL): Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta ku dhawaaqay in ay qaadaceen ka qeybgalka shirka Soomaalida ee Istanbul II.

Labada madaxweyne ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid sida ay yiraahdeen aaney dan ugu jirin dadka soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna shacabka ay metelayaan, waxayna sheegeen in ay ogaadeen in shirka Istanbul II uu yahay mid hareer marsan geeddi socodkii nabadeynta Soomaaliya ee Roadmap-ka.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in ay u heysteen in shirka Istanbul II uu yahay mid lagu dhameystirayo waxyaabihii ka soo baxay Shirarkii Muqdisho, Garowe I iyo Garowe II iyo is-af-garadkii Gaalkacyo, hayeeshee ay soo baxeen waxyaabo ka duwan wixii ay maleynayeen oo markaasina ay muuqaneyso in dad gaar ah la wato

Madaxweyne Faroole ayaa intaas ku daray in ay dareemayaan in gacan-dhaaf lagu sameeyay ka qeybgalka shirkaas, wuxuuna caddeeyay in mar ay madaxda Soomaalida dhawaan isku arkeen Addis Ababa oo ay arrimaha shirkan wax iska weydiiyeen ay cid walba sheegtay in aaney arrimaha shirka Istanbul waxba kala socon.

Wuxuu carrabka ku dhuftay madaxweyne Faroole in liiska dadka ka qeybgelaya shirka Soomaalida ee Istanbul II laga soo saaray xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in ay arrintaas soo shaaci bixi doonto.

Qaadacaadda hoggaamiyayaasha Puntland iyo Galmudug ee shirka Istanbul II ayaa waxay imaaneysaa iyadoo ergooyinka ka qeybgelaya shirkaas ayaa ku sii qulqulayaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyagoo ka kala imaanaya daafaha caalamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
5/27/2012 2:21 PM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland, Mr: Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa sheegay in shirka 31 May ka dhici doona Istaanbuul ee dalka Turkiga qaybtiisa hore ee lagaga hadlayo horumarinta iyo dhaqaalaha ay ka qaybgali doonaan balse qaybtiisa dambe ee siyaasadda lagaga hadlayo aanay ka qaybgali doonin.

5/27/2012 1:55 PM EST
Axad, May 27, 2012(HOL): Waxaa bishan 20 keedii ka dhacay magaalada Oslo ee dalka Norway koob lagu xususayay sanadguuradii 21aad eek a soo wareegtay gooni isu taagga Somaliland.

5/27/2012 1:30 PM EST
Axad, May 27, 2012-Shir looga hadlayey “Mustaqbalka Bangiyada Islaamka” oo eey soo agaasintey Jaamacada caalamiga ah ee Al-Madinah (Al-Madinah International University), ayaa waxaa lagu qabtey Library-ga Ummada ee Selangor (Public Library of Selongor), kuna taala magaalada Shah Alam ee Boqorka Selongor uu dagan yahay, ee wadanka Malaysia.

5/27/2012 6:26 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidmada Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in qabsashada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ay u tahay muhiim, ayna yareynayso weerarradiii ay Al-shabaab kusoo qaadi jireen Muqdisho.

5/27/2012 6:17 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Taliyaha madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bulshada, Mr: Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa Culimadda ugu baaqay inay dadweynaha ka wacyigeliyaan dhaqanka xun ee tageerka ku salaysan, maadaama oo dad waxa kaliya ay dhagaystaan tahay culimadda iyo abwaanada, balse ay abwaanaddu iyagu waajibaadkii arirntaasi ka saarnaa ay fuliyeen oo ay gabayo badan ka sameeyeen.

5/27/2012 5:34 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ilaa shalay kusoo qulqulaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose dagaalyahanno fara badan oo katirsan Al-shabaab, kuwaasoo la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka gobolka Shabeelaha Hoose oo ay mudooyinkii u danbeeyay ka socdeen dagaallo, waxaana ciidamani ay qeyb ka yihiin ciidamadii dhawaan lagala wareegay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho.

5/27/2012 5:30 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Hay'adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in 9,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii ka dhacay duleedyada Muqdisho oo ay dowladda KMG ah iyo AMISOM ku qabsadeen degmada Afgooye.

5/27/2012 5:14 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhego-badan ayaa uga digay askarta dowladda inay dhibaateeyaan dadka shacab ah iyo hantidooda, isagoo sheegay in askarigii lagu helo falkaas laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

5/27/2012 2:52 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyo xalay ka kala dhacay hoteel ku yaalla degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya iyo xerada qoxootiga IFO oo ka mid ah xeryaha ku yaalla Dhadhaab.

5/27/2012 2:32 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax ayaa xalay ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug dhaawac halis ah oo kasoo gaaray shil gaari oo ka dhacay deegaanka dagaal oo Gaalkcyo ku dhow.

5/27/2012 2:25 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa la wareegay deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho halkaasoo ay maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.

5/27/2012 2:23 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa Kenya ayaa si nabadgelyo ah kula wareegeen deegaan lagu magacaabo Tarato oo hoostada degmada Baardheere ee gobolka Gedo.