3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 27, 2012
Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Qabsashada Afgooye ay yareynayso Weerarradii Al-shabaab ay Muqdisho kusoo qaadi jireen

Axad, May 27, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidmada Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in qabsashada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ay u tahay muhiim, ayna yareynayso weerarradiii ay Al-shabaab kusoo qaadi jireen Muqdisho.

Col. Ankunda wuxuu sheegay in degmada Afgooye ay ahayd meesha labaad ee ay Al-shabaab ka abaabuli jireen weerarrada ay ka geysanayaan Soomaaliya marka laga reebo degmada Kismaayo oo uu sheegay inay tahay goobta ugu weyn ee laga abaabulo weerarrada Al-shabaab.

"In ciidamadeennu ay Afgooye gaaraan muhimi ayay ahayd waayo waxay ahayd goob laga soo abaabuli jiray weerarrada Muqdisho lagu soo qaado, balse wixii hadda ka dambeeya taasi ma jiri doonto," ayuu yiri afhayeenka AMISOM.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamadooda ay mareen dhul howd ah markii ay qabsanayeen degmada Afgooye ujeedadeuna ay ahayd sidii loo badbaadin lahaa dadka shacabka ah ee ku nool inta u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo isgarabsanaya ayaa waxay gudaha u galeen degmada Afgooye duhurnimadii Jimcaha, kaddib dagaal saddex maalmood ka socday inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo degmadan ay noqonayso tii ugu horreysay ee ka baxsan Muqdisho oo Al-shabaab laga qabsado.

Kumannaan dad ah oo ku noolaa inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa uga soo barakacay halkaas dagaalladii dhexmarayay ciidamada hardamaya, iyadoo ay jiraan dad ay waxyeello dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaareen dagaalladaas.

Ugu dambeyn, saraakiisha dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa si aad ah u soo dhaweeyay la wareegidda degmada Afgooye iyagoo ku tilmaamay mid dhabar-jab ku ah Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/27/2012 2:21 PM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland, Mr: Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa sheegay in shirka 31 May ka dhici doona Istaanbuul ee dalka Turkiga qaybtiisa hore ee lagaga hadlayo horumarinta iyo dhaqaalaha ay ka qaybgali doonaan balse qaybtiisa dambe ee siyaasadda lagaga hadlayo aanay ka qaybgali doonin.

5/27/2012 1:55 PM EST
Axad, May 27, 2012(HOL): Waxaa bishan 20 keedii ka dhacay magaalada Oslo ee dalka Norway koob lagu xususayay sanadguuradii 21aad eek a soo wareegtay gooni isu taagga Somaliland.

5/27/2012 1:30 PM EST
Axad, May 27, 2012-Shir looga hadlayey “Mustaqbalka Bangiyada Islaamka” oo eey soo agaasintey Jaamacada caalamiga ah ee Al-Madinah (Al-Madinah International University), ayaa waxaa lagu qabtey Library-ga Ummada ee Selangor (Public Library of Selongor), kuna taala magaalada Shah Alam ee Boqorka Selongor uu dagan yahay, ee wadanka Malaysia.

5/27/2012 12:40 PM EST
Axad, May 27, 2012(HOL): Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta ku dhawaaqay in ay qaadaceen ka qeybgalka shirka Soomaalida ee Istanbul II.

5/27/2012 6:17 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Taliyaha madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bulshada, Mr: Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa Culimadda ugu baaqay inay dadweynaha ka wacyigeliyaan dhaqanka xun ee tageerka ku salaysan, maadaama oo dad waxa kaliya ay dhagaystaan tahay culimadda iyo abwaanada, balse ay abwaanaddu iyagu waajibaadkii arirntaasi ka saarnaa ay fuliyeen oo ay gabayo badan ka sameeyeen.

5/27/2012 5:34 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Waxaa maanta ilaa shalay kusoo qulqulaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose dagaalyahanno fara badan oo katirsan Al-shabaab, kuwaasoo la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka gobolka Shabeelaha Hoose oo ay mudooyinkii u danbeeyay ka socdeen dagaallo, waxaana ciidamani ay qeyb ka yihiin ciidamadii dhawaan lagala wareegay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho.

5/27/2012 5:30 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Hay'adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in 9,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii ka dhacay duleedyada Muqdisho oo ay dowladda KMG ah iyo AMISOM ku qabsadeen degmada Afgooye.

5/27/2012 5:14 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhego-badan ayaa uga digay askarta dowladda inay dhibaateeyaan dadka shacab ah iyo hantidooda, isagoo sheegay in askarigii lagu helo falkaas laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

5/27/2012 2:52 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyo xalay ka kala dhacay hoteel ku yaalla degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya iyo xerada qoxootiga IFO oo ka mid ah xeryaha ku yaalla Dhadhaab.

5/27/2012 2:32 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Cumar Sheekh Maxamed Faarax ayaa xalay ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug dhaawac halis ah oo kasoo gaaray shil gaari oo ka dhacay deegaanka dagaal oo Gaalkcyo ku dhow.

5/27/2012 2:25 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa la wareegay deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho halkaasoo ay maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.

5/27/2012 2:23 AM EST
Axad, May 27, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa Kenya ayaa si nabadgelyo ah kula wareegeen deegaan lagu magacaabo Tarato oo hoostada degmada Baardheere ee gobolka Gedo.