4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 26, 2012
Hay'adaha SOYDEN iyo CPD oo Magaalada Muqdisho ka furay Tatan Isboorti oo loogu magac-daray Isbedelka Dhallinyarada

SPORTS.jpg

Sabti, May 26, 2012 (HOL) — Hay’adda horumarinta iyo isku-xirka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN iyo hay’adda CPD ayaa Muqdisho ka furay tartan isboorti oo ay ku tartamayaan 10-kooxood oo ka kala socda sideed degmo oo gobolka Banaadir ka tirsan iyo laba kooxood oo ka socda ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Furitaankii tartanka oo ka dhacay garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla degmada Wadajir, gaar ahaan kasoo horjeedka dugsiga sare ee Jaalle Siyaad ayaa waxaa goob-joog ka ahaa: guddoomiyeyaasha guddiyada nabadda degmooyinka gobolka Banaadir, mas’uuliyiinta hay’adaha fulinaya mashruuca, xoghayeyaasha isboortiga sideedda degmo ee gobolka, xildhibaanno, agaasimaha waaxda isboortiga ee wasaaradda dhallinyarada, shaqada shaqaalaha iyo isboortiga dowladda Soomaaliya, Saacid Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin kale.

"Barnaamijkan wuxuu qayb ka yahay mashruuca isbedelka dhallinyarada, kaasoo lagu baray dhallinyarada xirfado, casharro ku saabsan qoraalka iyo akhriska afka Soomaaliga, tarbiyada Islaamka iyo Qur’aanka Kariimka ah, farshaxanka, fanka iyo suugaanta, kombiyuutarka, dayactirka qalabka korontada, ganacsiga guud iyo makaanignimada," ayuu xafladda furitaanka ka sheegay C/qaadir Salaad Cabdi oo ah madaxa mashaariicda hay’adda SOYDEN.

Kooxaha tartamaya ayaa waxay ka socdaan degmooyinka: Hodan, Wadajir, Dharkeynley, Xamar-jajab, Xamar-weyne, Waaberi, Shingaani iyo Shibbis, iyadoo labada kooxood ee ka socda ciidanka booliiska lagu kala magacaabo: kooxda kubadda cagta ee Jen. Kaahiye iyo kooxda heegan.

SPORTS10.jpg

Ciyaaraha oo socon doona muddo 15-maalmood ah ayay kooxahan isku arki doonaan iyadoo kooxdii ku guuleysata ciyaaraha la guddoonsiin doono koob, waxaana ciyaarayahan ay billow u yihiin tartamo lagu soo gabgabeynayo mashruuca isbedelka dhallinyarada oo socday muddo lix bilood ah.

Tartamada kale ee xigi doona tartanka isboorti ayaa waxay kala yihiin: Tartan Qur’aan Akhris ah iyo tartan kale oo lagu tartamayo gabayo iyo heeso oo ay gacan ka geysandoonaan Naadiga hal abuurka iyo qalinleyda Soomaaliyeed (Somali Pen).

Dhallinyaradan ayaa waxay sidoo kale qabtaan howlo adeegga bulshada ah, kuwaasoo ay ka qabtaan sideedda degmo, kuwaasoo isugu jira nadiifinta jidadka, jaridda dhirta iyo nadaafadda guud, taasoo ujeeddadeedu tahay inay dareemaan lahaanshaha deegaanada ay deggen yihiin.

Barnaamijkan oo ay maalgelisay haya’dda UNDP ayaa wajigiisa koowaad oo ku eg bisha Juun ee sannadkan ayaa waxaa looga gol-leeyahay in dhallinyaradan oo markii hore ka yimid bulshada dhexdeeda iyagoo malleeshiyo ah ay ku laabtaan mar kale bushada iyagoo ka faa’iideysan doona shaqooyin loo abuuri doono iyo qaarkood oo la siin doono lacago ay ku shaqeystaan.

SPORTS2.jpg
SPORTS3.jpg
SPORTS4.jpg
SPORTS5.jpg
SPORTS6.jpg
SPORTS7.jpg
SPORTS8.jpg
SPORTS9.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya