4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 26, 2012
Madaxweyne Sheekh Shariif oo Soomaalida ku nool Dalka Koonfur Afrika ka dalbaday in lacago ay ku taageeraan Dowladda KMG ah


Sabti, May 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu xalay kulan kula yeeshay Johannesberg dadweyne Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa ku nool dalkaas, isagoo ka dalbaday inay dowladda lacago ku taageeraan.

Sheekh Shariif ayaa hadal uu ka jeediyay kulanka uu la yeeshay Soomaalida wuxuu ku sheegay in dowladdu ay horumar ka gaartay dhinacyo badan, isagoo qabsashadii degmada Afgooye ku tilmaamay guul weyn oo ay dowladdu gaartay.

"Markii ay jireen ururrada, kooxihii qabiillada iyo Maxkamadihii Islaamka lacago badan ayaan ku taageeri jirteen, haddana dowladda waxba kuma taageertaan, ma waxaad maqasheen wararka beenta ah ee sheegaya in dowladdu ay tahay mid musuq uu ka dhex jiro," ayuu madaxweynuhu ku yiri hadalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu Soomaalidii uu la kulmay u sheegay in looga baahan yahay inay lacago ku taageeraan dowladda si howlaha horyaalla ay u fuliso, isagoo xusay inay ka go'an tahay dowladda inay meel-mariso howlaha horyaalla oo dhan.


"Qof walba haddii uu bixin karo 10-doollar, 15-doollar, 20-doollar illaa 30-dollar waa mid ay dowladdu uga baahan tahay shacabkeeda dibadaha ku nool," ayuu Sheekh Shariif ku sheegay hadalkiisa. "Dalka Koonfur Afrika ganacsato badan oo Soomaaliyeed ayaa ku nool; waana mid looga baahan yahay inay ogaadaan mas’uuliyadda dadkooda iyo dalkooda ka saaran."

Madaxweynaha ayaa codsi uu ujeediyay dadkii Soomaaliyeed ee uu la hadlay kaga codsaday inay ka qayb-qataan dhisida dalka isagoo si gaar ah uga codsaday inay dhisaan hal iskuul, hal waddo iyo hal isbitaal, wuxuuna kula taliyay inay bartaan kitaabka ka hadlayay iibka.

Mid ka mid ah dadkii kulanka la yeeshay madaxweynaha ayaa wuxuu ka dalbaday in madaxda dalka Koonfur Afrika uu kala hadlo sidii wax looga qaban lahaa dilalka iyo dhaca loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya