4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2012
Mahiga oo sheegay in shirkii Addis ababa lagu qabtay uu guul ku soo dhammaaday

mahiga maanta.jpg


Jimco, May 25, 2012 (HOL) - Ergayga gaarka ah ee xogyaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Agustin Mahiga ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Addis ababa uu ahaa mid guul ku dhammaaday heshiisna laga gaaray, waxyaabihii muranka dhaliyay ee ay isku fahmi waayeen hogaamiyayaasha Soomaalida.

Mahiga ayaa sheegay in qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska laga gaaray ay yihiin meelmarinta dastuurka qabyada, soo afjarida xilliga ku meel gaarka ah , soo xulida xubnaha ansixinaya dastuurka iyo baarlamaanka cusub.

Mahiga ayaa markale digniin u jeediyay xubno uu ku tilmaamay qas wadayaal oo uu sheegay inuu arrintooda u gudbiyay golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

“Waxaan u jeedinay digniin, taasina waxay keentay mira dhal, waayo waxaan aragnay in qaswadayaashii ay bilaabeen inay aamusaan” ayuu sii raaciyay Mahiga oo qoslayay.

Waxaa sidoo kale suu heegay in lasoo afjaray madmadowgii u dhexeeyay dawlada ku meel gaarka ah iyo dawlad goboleedka Puntland.

“Shirkii ay ku kulmeen Addis ababa hogaamiyayaasha Soomaalidu wuxuu ahaa mid cajiib ah, mar marka qaarna laga doodayay arrimo xasaasiya” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Shirka jaraa’id ee uu Mahiga maantay ku qabtay magaalada Nairobi ayaa yimid kadib markii Addis ababa lagu soo gabagaboobay shir muhiim ah oo hogaamiyayaasha Soomaalida ay heshiis kaga gaarayeen mustaqbalka dalka, kaasoo ay gar wadeen ka ahayd qaramada midoobay.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya