4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2012
Qaraxyo khasaare Nafeed geystay oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo Xeyaha Qoxootiga Dhadhaab ee Kenya

Jimco, May 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay sideed qof oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo xalay iyo saakay ka kala dhacay degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee Soomaaliya iyo xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Saddexda qof ayaa waxay ku dhinteen laba qarax oo ka dhacay xaafadda Garsoor ee waqooyiga degmada Gaalkacyo, kaddib markii bambooyin lagu tuuray goob lagu fiidsado oo ay dad shacab ah ku sugnaayeen, waxaana weerarkaas ay dhaawacyo kasoo gaareen shan qof oo kale.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa baaritaanno ay sameeyeen u qabty weerarka saddex dhalinyaro ah kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka ahaayeen bambooyinka khasaaraha geystay.

Dhanka kale. saddex qof oo ka mid ah qoxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa ku dhaawacmay bambo lagu tuuray maqaayad ku taalla xeryahaas.

"Bam ayaa lagu tuuray maqaayad ay dad badan ku jiraan, waxaa dhaawacmayo halis ay soo gaareen saddex qof oo Soomaali ah, kuwaasoo loo qaaday isbitaalka," ayaa laga soo xigtay booliiska iyo hay'adda bisha cas ee dalka Kenya.

Askarta booliiska Kenya ayaa waxay markiiba sameeyeen howgallo ay dad badan ku qabqabteen kuwaasoo qaarkood jirdil loo geystay, waxaana weerarkan uu kusoo beegmayaa iyadoo toddobaadkii hore ay dhowr qarax oo dhimasho geytay ka dhaceen xeryaha Dhadhaab.

Xeryahan ayaa waxay hoy u yihiin in ka badan 460,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah kuwaasoo ka cararay dagaallada iyo abaaraha ka jira Soomaaliya, waxaase tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya ka dhacayay xeryahaas iyo guud ahaan gobolka waqooyi-bari ee Kenya qaraxyo khasaare nafeed geystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya