4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Koonfur Afirka u tagay ka qaygalka shir looga hadlayo Midnimada Qaaradda Afrika

Jimco, May 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Koonfur Afrika, halkaas oo ay kaga qaybgalyaan shir looga hadlayo minimada Qaaradda Afrika.

Wadigan Shariif ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Johannesberg ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo isla xalay uu ka qaygalay xaflad casho ahayd oo loo sameeyay madaxda dalalka Afrika.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Koonfur Afrika ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago dalkaas tan iyo markii ay xorriyadooda qaateen sannadkii 1994-kii.

Dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu ka mid yahay dalalkii ay gacanta ka geysatay Soomaaliya sidii ay xorriyad u heli lahaayeen, iyadoo booqashadan ay imaanayso xillli ay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaas booqashooyin ku yimaadeen dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay dalka Koonfur Afrika inuu kulammo la qaato madaxda dalkaas isagoo kala hadli doona dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida magan-galyo ahaanta u jooga dalkaas.

Dhanka kale, mas'uuliyiinta jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxay sheegeen inay aad u daneynayaan inay la kulmaan madaxweynaha inta uu ku sugan yahay dalka Koonfur Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya