4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 25, 2012
Barakacayaal ku dhintay Madaafiic ku dhacay deegaannada u dhexeeya Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye

Jimco, May 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo barakacayaal ah ayaa lagu dilay madaafiic lagu garaaceen deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye oo oo shalay oo dhan ay dadku ka barakacayeen.

Madaafiicdan ayaa waxay ku dhaceen gaari noociisu ahaa mini-bus oo Soomaalidu ay ku tagaanno caasi, kaasoo barakacayaal kasoo qaaday deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho, iyadoo ku dhaawacmeen madaafiicdaas sagaal qof oo kale.

"Duqeyntu waxay haleeshay gaari nooca mini-bus-ka loo yaqaan ah oo ka yimid deegaanka Lafoole. Shan qof ayaa ku dhintay sagaal qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray," ayuu yiri Cali Muuse oo ah madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah.

Ma cadda cidda duqeyntaas ka dambeysa, inkastoo dadka deegaankaas ay xuseen inay tahay madaafiic ka imaanaysay dhinaca ciidamada dowladda KMg ah iyo kuwa AMISOM ee dagaalka kala dhexeeyo Al-shabaab.

Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo horraantii toddobaadkan billaabay dagaal ay ugu magacdareen xoreynta Shabeellooyinka ayaa waxay kula wareegeen dhul ballaaran oo ay horay uga talin jirtay Al-shabaab.

"Waxaan la kulannay dadka ku nool deegaanka Carbiska oo 22-km u jira magaalada Muqdisho, waxaan u sheegnay inaan iyaga la dagaalamayn balse aan la dagaalayno Al-shabaab," ayuu yiri afhayeenka AMISOM, Col. Paddy Ankunda oo saxaafadda la hadlay.

Dadka deegaankaas ayaa iyaguna sheegay inay arkeen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo ku sugan deegaan u dhexeeya Afgooye iyo Carbiska, kuwaas oo halkaas ka sameysay dhufeysyo.

Madaafiicda lagu dilay dadka shacab ah ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay ka digtay Qaramada Midoobay in waxyeello loo geysto dadka barakacayaasha ah ee ku nool deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya