4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 24, 2012
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud aysan xiriir la lahayn Xarakada Al-shabaab

Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya, C/samad Macallin Maxamuud Xasan oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho kaddib shir ay yeesheen golaha wasiirrada ayaa sheegay inaysan jirin xiriir ka dhexeeya shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Xarakada Al-shabaab.

C/samad Macallin ayaa kulankii golaha wasiirrada ka jeediyay warbixin ku saabsan baaritaan ay hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ku sameeyeen eedeyn ay Qaramada Midoobey u soo jeedisay shirkadda Hormuud 17-kii Febraayo sannadkan oo ahayd inay xiriir la leedahay Al-shabaab.

Wasiirku waxuu sheegay in baaris dhamesytiran oo lagu sameeyey shirkadda lagu xaqiijiyay inuusan jirin xiriir ka dhexeeya Al-shabaab ama Al-Qaacida iyo shirkadda Hormuud.

"Shirkadda isgaarsiinta Hormuud waxaa lagu waayay dambigii horay loogu eedeeyay wuxuuna ahaa mid aan sal iyo raad toona laheyn," ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in baaristooda intii ay socotay lala xiriireen Qaramada Midoobay, AMISOM iyo dalka Jabuuti.

Dood-dheer kaddib golaha wasiiradu waxay si aqlabiyad ah u taageereen go’aanka baaritaanka iyo warbixinta wasiirka ee ahayd in baaq loo diro Qaramada Midoobey, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed taasoo ku wajahan in shirkadda Hormuud aysan wax lug ah ku lahayn eedeymahaas loosoo jeediyay.

Shirkadda Hormuud oo la aasaasay sannadkii 2002 ayaa waxaa lagu eedeeyya inay xiriir la leedahay Al-shabaab, eedeyntan dambe ayaa la baahiyay kaddib markii liiska shaqsiyaadka argagaxisada laga saaray milkiilaha shirkadda Axmed Cali Jimcaale.

Wasiirku wuxuu sheegay in shirkadda Hormuud ay leeyihiin shaqsiyaad Soomaali ah, waxaa saamigeeda wadaaga dad gaaraya in ka badan 3000-qof, shaqaalaha tooska ah ee ka shaqeeyana waxaa lagu sheegay inay gaarayaan 5000-qof, sidoo kalena ay gaarayaan kuwa aan tooska ahayn 15,000-qof.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeed ay xukuumaddu soo saartay ayaa lagu sheegay in shirkadda ay ku nool yihiin dad gaaraya illaa iyo 150, 000 oo qof ama 20,000-qoys oo qoyskiiba uu ka kooban yahay toddoba qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya