3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 24, 2012
Ciidamada DKMG ah ee Somalia iyo kuwa AMISOM oo ku wajahan deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho

Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku wajahan deegaanka ceelasha biyaha iyagoo saakay dhaafay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho, halkaasoo saldhig weyn ay kul lahaayeen xoogaggii Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wada socda ay ku sugan yihiin deegaanka KM-13 iyagoo wata qaar ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan taangiyo.

"Ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM oo soo maray jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa soo gaaray deegaanka KM-13, waxaana muuqda isbedel," ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaankaas oo sababo amni awgood u qariyay magaciisa.

Goobjoogahan ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay waddada isku dhereriyeen iyadoo aysan jirin wax rasaas ah oo dhacaysa, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ee ku sugnaa goobahaas ay ku sugan yihiin deegaanka KM-15 ama Siinka-dheer.

Sidoo kale, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa la sheegay inay dhinaca howdka ka marayaan deegaannada ku yaalla duleedka Muqdisho, waxayna saraakiisha hoggaaminaya sheegeen inay ku wajahan yihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho oo shalay gallinkii dambe xirmay ayaa saakay dib u furmay iyadoo halkaas ay ku qulqulayaa qoysas fara badan oo deegaannadaas ku noola.

Deegaannada duleedka Muqdisho ku yaalla ayaa waxaa ka barakacaya dadkii yaraa ee ku noolaa, iyadoo ay halkaas ku dhacayaan madaafiicda ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM tuurayaan.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/24/2012 9:44 AM EST
Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Hay’adda nabad-sugidda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maanta wiil sheegay inuu dhalay guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Shabeellada dhexe, Sheekh Yuusuf Ciise Axmed (Kabo-kutukade).

5/24/2012 8:27 AM EST
Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya, C/samad Macallin Maxamuud Xasan oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho kaddib shir ay yeesheen golaha wasiirrada ayaa sheegay inaysan jirin xiriir ka dhexeeya shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Xarakada Al-shabaab.

5/24/2012 7:57 AM EST
Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, Jen. C/llaahi Cali Caanood oo sheegay inuu ku sugan yahay baar Ismaaciil oo ah halka laga galo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inuu xiran yahay jidka xiriiriya degmooyinka Afgooye iyo Muqdisho.

5/24/2012 7:42 AM EST
Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ay billaabay inay baneeyaan saldhigyo degmada Afgooye ku lahaayeen halkaas ahayd goobaha ay awoodda badan ku lahaayeen tan iyo markii ay ka baxeen Muqdisho sannadkii hore.

5/24/2012 7:19 AM EST
Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garanayn ayaa ku dilay suuq-boocle oo ka tirsan degmada Dharkeynley wariye Axmed Caddoow Canshuur oo ka tirsanaa wariyeyaasha idaacadda Shabeelle.

5/24/2012 3:53 AM EST
Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Boqolaal qoys oo kasoo barakacaya deegaannada ka sameysay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa kusoo qulqulaya maanta magaalada Muqdisho, kuwaasoo sheegay inay cabsi weyn soo wajahday.

5/24/2012 3:41 AM EST
Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay gudaha hoteel ku yaalla suuqa weyn ee Bakaaraha ganacsade ajnabi ah oo la heegay inuu Turki ahaa, iyadoo la sheegay in kooxihii dilka ruuxan geytay ay ka qaateen lacago fara badan oo doollar ah.

5/24/2012 3:24 AM EST
Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Madaxda Soomaalida oo xalay soo gabgabeeyay shir uga socday muddo saddex maalmood ah uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay ku heshiiyeen in lagu dhameystiro xilliga KMG ah illaa bisha Ogoosto ee sannadkan.