4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 24, 2012
Madaxda Soomaalida oo ku Heshiiyay in bisha Ogoosto ka hor lasoo afjaro dhammaan howlaha looga gudbayo xilliga KMG ah

Khamiis, May 24, 2012 (HOL) — Madaxda Soomaalida oo xalay soo gabgabeeyay shir uga socday muddo saddex maalmood ah uga socday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay ku heshiiyeen in lagu dhameystiro xilliga KMG ah illaa bisha Ogoosto ee sannadkan.

Shirka oo ahaa mid ay muranno badan hareeyeen waxay madaxda Soomaalidu ka heshiiyeen khilaafyadii u dhexeeyay oo ku saabsanaa dastuurka kuwaasoo ay isla garteen in isbedel lagu sameeyo, waxay sidoo kale ka heshiiyeen xulidda ergada ansixinaysa dastuurka cusub.

Qodobbada lagu heshiiyay ayaa waxay kala yihiin:

  1. In 26-ka bishan May ay soo gabgabeeyaan guddi loo xilsaaray dhexdhexaadinta odayaal-dhaqameedyada soo xulaya ergada ansixinaysa dastuurka, isla markaana soo xuli doona baarlamaanka cusub.
  2. In 01-da bisha Juun lasoo gabagabeeyo xulitaanka guddiga ansixinta dastuurka iyo soo xulida baarlamaanka cusub ee uu dalku yeelanayo.
  3. In ugu dambeyn 20-ka bisha Juun la helo oo lasoo gudbiyo magacyada golaha ansixinta, iyadoo loosoo gudbinayo gudiga farsamada.
  4. In 30-ka bisha Juun ay magaalada Muqdisho xaadir ku ahaadaan ergada ansixinaysa dastuurka cusub.
  5. In 02-Juulaay ay gudiga ansixinta dastuurka si rasmi ah u bilaabaan shirarkooda.
  6. In 10-ka Juulaay la ansixiyo dastuurka cusub ee Soomaaliya.
  7. In 15-ka Juulaay guddigu soo gudbiyo magacyada xildhibaannada cusub ee baarlamaanka dalku yeelanayo.
  8. In 20-ka Juulaay la dhaariyo baarlamaanka cusub.
  9. In 04-ta bisha Ogoosto, 2012 la qabto doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.
  10. In 20-ka isla bisha Ogoosto, 2012 la qabto doorashada madaxweynaha dalka.
  11. In wadashaqeyn joogta ah ay yeeshaan saxiixayaasha Roadmap-ka illaa inta laga dhameystirayo howshan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo gabgabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid cusub oo ay saxiixayaasha Roadmapa-ka ku dhameystirayaan xilliga KMG ah.

"Dhammaan saxiixayaasha khariidadda nabadda (Roadmap) waxay gaareen heshiis ay ku dhameystirayaan howlaha horyaalla muddada kooban ee ka harsan KMG-ka. Aad ayaana ugu niyad-sannahay inaan howshan ku dhameyno waqtigeeda," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Heshiiskan ayaa wuxuu dhigayaa inuusan jirin baarlamaan Soomaaliyeed, iyadoo la isku raacay in dastuurka ay ansixiyaan odayaal lasoo xulay, waxaan sidoo kale ka mid ah heshiiska in Muqdisho laga furo xafiis isku xira saxiixayaasha Roadmap-ka.

Madaxdii kale ee ka hadlay saxiixa heshiiskan cusub ee ay gaareen madaxda Soomaalida ayaa waxay sheegeen inay ka heshiiyeen khilaafaadyadii u dhexeeyay ayna diyaar u yihiin inay howlaha harsan si wadajir ah ku dhameystiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya