4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2012
Wafdi ka socda hay’adda USAID oo maanta gaaray magaalada Beledweyne


Arbaco, May, 23, 2012 (HOL) –Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha maamulka gobollka C/fitaax Xassan Afrax ayaa maanta ku soo dhaweeyay magaalada Beledweyne wafdi ka socday hay’adda USAID iyo hay’addo kale oo isku dhaf ah kuwaasoo ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne.

Xubnaha maamulka gobollka Hiiraan wafdiga maanta tagay magaalada ayaa kulan ay wada qaateen waxaa ay kaga wada hadlleen arrimo la xiriira ujeedada socdaalka xubnaha ka socda hay’addaha isku dhafka ah.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo ugu horeyn ka hadllay kulanka ayaa uga mahad celiyay xubnaha wafdiga socdaalka ay ku gaareen magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in maamulkiisa gacan ka siin doono hay’addaha sidii ay u fashan lahaayeen howlaha la xiriira hormarinta iyo samafalka.


“Annaga mar walba waan soo dhaweyneynaa cid ka kasta oo gacan naga siineysa howlaha la xiriira hormarinta, dib u dhiska, iyo samafalka, waxaana diyaar u nahay ka maamul ahaan in aynu doorkeena qaadano una fududeyno hay’addaha sidii ay howlahooda u qabsan lahaayeen,’’ ayuu yiri,’’ guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan.

Aadan Xaaji Yuusuf oo ku hadllayay magaca hay’adda USAID oo isagana kulanka ka hadllay ayaa sheegay in ay wadaan mashruuc loogu magacaabo TIS, kaasoo ay doonayaan in ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah gobollka, waxaana uu sheegay in hadda uu qorshahooda ugu horeeya yahay ilaa sadax degmo oo ka tirsan gobollka Hiiraan.

‘’Waxaan rabaan in aan kulamo la qaadano qeybaha bulshada gobollka, si aan u ogaano baahidooda la xiriirta howlaha hormarinta iyo waliba dib u dhiska, anaga hadda waxaa uu qorshaheenu yahay in aan mashruucan ka fulino ilaa sadax degmo oo ka tirsan gobollka, guud ahaan gobollkana waan ka howlgali doonaa,’’ ayuu yiri,’’ mas’uulka u hadllay hay’adda USAID.


Marka laga soo tago hay’adda USAID waxaa sidoo kale ka mid ahaa xubanaha maanta gaaray magaalada Beledweyne mas’uuliyiin ka kala soctay hay’adda Maareynta Masiibooyinka iyo waliba hay’adda kale oo ka shaqeysan Xalinta khilaafaadka, kuwaasoo iyaguna sheegay in ay ku faraxsan yihiin booqshadooda magaalada Beledweyne.

Wafdiga maanta tagay magaalada Beledweyne ayaa qeyb ka ah wafuud is daba joog ah oo bilihii ugu danbeeyayba gaarayay magaalada, kuwaasoo u badnaa xubno ka socday hay’addaha samafalka.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.