4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2012
Hogaamiyaasha Dhaqanka oo Dhaliilay Hab Socodka Shirka Odayaasha-Dhaqanka ee Muqdisho ka socda

Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Kulan ay ka qayb-galeen odayaasha-dhaqanka Soomaliyeed loogana hadlayay muuqaalka uu yeelanayo aayaha ummadda Soomaaliyeed iyo wadada loo marayo sidii lagaga gudbi lahaa xilliga KMG ah ayaa lagu qabtay Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.

Intii ay dooddu socotay ayaa waxaa la isku weydaarsaday talooyin iyo su’aalo xog kororsi ah oo dhammaantood ku wajahnaa xaalada kala guurka ah iyo baadi doonka isbadal cusub oo ku yimaada hanaanka guud ee Soomaaliya.

Doodda waxaa bud-dhig looga dhigay in dib u eegid iyo turxaan bixin lagu sameeyo shirka madaxda dhaqanka uga socda Muqdisho, waxaana aqoonyahanadii iyo qeybaha ururda bulashada ee ka qaybgalay soo hor-fariistey Ugaasyo ay ka mid ahaayeen, ugaas Cabdulaahi ugaas xaashi Faracade, ugaas Maxamud Cali Ugaas, garaad Jaamac Garaad Cali, suldaan Maxamed Jaamac Shire iyo garaad Jamac Garaad Ismaciil.


Dooddan oo ay soo qabanqaabiyeen hay'adda cilmi-baarista iyo wadatashiga ee CRD iyo Telefishinka Universal ayaa waxaa hoggaamiyaasha la weydiiyay sida ay u arkaan xulidda dubabka dhaqanka oo ka kooban 135-odey iyo shirka MKogdishu ka socda iyo sida ay u arkaan qaladaad abuuri kara dib u dhac iyo sida xal loogu heli karo sidaas oo kale waxaa wax laga waydiiyay sida aay u dhici karto in aay dhex-dhexaad u noqdaan siyaasiyiinta damaca siyasadeed leh iyo madaxda dowlada.

Odyaasha dhaqanku waxay dhaliileen qaabka ka qaybgalka odyaasha-dhaqanka ee shirka Muqdisho, iyagoo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya aysan ahayn 135-duub, iyagoo caddeeyay inaysan jirin duubab cusub oo la abuuray waxayna  ku eedeeyeen xukuumadda KMG ah in madaxada dhaqanka aysanhowlahooda u madax-bannaaneyn, balse hoggaamiyeyaashu ay u taagan yihiin sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya

Odoayaashu waxay soo jeediyeen Qodobbadan:
  1. In dib u eegid lagu sameeyo qaabka ka qaybgalka odoyaasha dhaqan
  2. In odoyaasha loo madax-bannaaneeyo howlaha loo igmaday si ay wax-qabadkooda cadalad ugu saleeyaan.
  3. In xukuumaddu aanay ku degdegin in shir loo qabto hoggaamiye dhaqameed
  4. aan la turxaabixin.
  5. Odayaashu waxay ka codsadeen dowladda inay soo bandhigto dastuurka
  6. qabyada ah si shacbiga awood ugu yeesho inay ka qayb-galaan taladiisa.
  7. Hoggaamiyaasha dhaqanku waxay ku baaqeen inaan la marin habaabin qorshihii  qariidada nabadda.
Hogaamiyaasha dhaqanku waxay iska fogeeyeen inay lug ku leeyihiin qaban-qaabada shirka odayaasha ee ka socda Muqdisho, iyagoo sheegay in dhinacooda aanay wax war ah ka hayn hannaanka shirku u socda illaa haddana aan loosoo bandhigin qorshe howleedka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya