3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2012
Maydka Askari ka mid ah AMISOM oo lagu soo bandhigay Ceelasha-Biyaha iyo Barakac deegaankaas ka socda
Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay askari ka mid ah ciidamada AMISOM oo la sheegay in lagu dilay dagaalkii shalay, iyadoo sidoo kale deegaankaas ay dadkii ku noolaa ka barakacayaan.

Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas ayaa HOL u sheegay in askariga lagu jiiday jidka dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayna halkaas isugu soo baxeen dad aad u fara badan si ay maydka u arkaan.

Sidoo kale, goobjoogayaasha ayaa waxay sheegeen inay jiraan dad deegaankaas ka barakacaya, kuwaasoo u socda deegaannada kale ee gobolka Shabeellada hoose iyagoo ka baqdin qaba inay dagaalladu soo gaaraan.

"Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay Ceelasha si ay u arkaan maydka askariga AMISOM ee dagaalka lagu dilay, sidoo kale waxaa jira dad barakacaya," ayuu yiri goobjooge magaciisa ka gaabsaday inuu sheego.

Dhanka kale, goobjoogayaasha ku sugan deegaanka Ceelasha biyaha ayaa waxay sheegayaan in lagu arkayo degaankaas ciidammo fara badan oo kuwa Al-shabaab ah, kuwaasoo ku wajahan deegaannadii ay dagaalladu ka dhaceen.

Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo saakay xirmay ayaa waxaa dib loo furay baqonimadii maanta, iyadoo gaadiidka ay si caadi ah u marayaan, iyadoo AMISOM saraakiishoodu ay sheegeen inay dagaalka sii wadayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/23/2012 1:43 PM EST
Arbaco, May 23, 2012(HOL): Hadal ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada Nabadgelyada Degmada C/casiis lagu soo qabqabtay rag watay Khamri kartoomo ku jira oo ka kooban 24 kartoon.

5/23/2012 11:07 AM EST
Tagitaankayga caasimada Soomaaliya markii iigu horreysay ee noloshayda, waxay ahayd mid dareen gaar ah igu abuurtay.

5/23/2012 10:17 AM EST
Arbaco, May, 23, 2012 (HOL) –Mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha maamulka gobollka C/fitaax Xassan Afrax ayaa maanta ku soo dhaweeyay magaalada Beledweyne wafdi ka socday hay’adda USAID iyo hay’addo kale oo isku dhaf ah kuwaasoo ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne.

5/23/2012 10:16 AM EST
Arbaco, May 23, 2012 (HOL)-Ugaaskii ugu horeeyey beelaha degga waqooyiga Magaaladda Hargeysa yeeshaan ayaa maanta lagu caleemo saaray magaaladda Hargeysa, gaar ahaan hotel Maansoor.

5/23/2012 9:28 AM EST
Arbaco, May 23, 2012(HOL): Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka ganacsigga Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo maanta booqday Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya iyo dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Xamar Jajab halkaasoo ay wax ka bartaan 590 arday oo warbarasho lacag la’aan ah helay.

5/23/2012 6:43 AM EST
Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Qaxootiga ku jira xerooyinka ku yaal degmada Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ba’an oo ay kala kulmaan kooxo burcad ah oo dhac u geysta shacabka iyo ganacsatada ku nool qaar katirsan xerooyinka ku yaal Dhadhaab.

5/23/2012 6:40 AM EST
Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Kulan ay ka qayb-galeen odayaasha-dhaqanka Soomaliyeed loogana hadlayay muuqaalka uu yeelanayo aayaha ummadda Soomaaliyeed iyo wadada loo marayo sidii lagaga gudbi lahaa xilliga KMG ah ayaa lagu qabtay Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.

5/23/2012 6:20 AM EST
Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Qoysaskii dhawaan kasoo barakacay dagaallo iyo duqeymo isbiirsaday oo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ah u dhexmarayay deegaanka Hoosingoow ayaa haatan bilaabay in ay dib ugu noqdaan guryahooda.

5/23/2012 3:42 AM EST
Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — War-saxaafadeed ay wasaaradda warfaafinta DKMG ah ee Soomalaiya soo saartay ayaa lagu sheegay in warbaahinta Soomaalida qaar ka mid ah baaritaanno lagu sameynayo kuwasaoo ay sheegeen inay faafiyeen warar lagu aflagaadeynayo madaxda DKMG ah, laguna abuurayo jahwareer ku saabsan nabadda iyo heshiiska Roadmap-ka.

5/23/2012 3:21 AM EST
Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxay shalay gaareen dhul ku yaalla duleedka Muqdisho, kaddib dagaal culus oo ay la galeen xoogagga Al-shabaab oo gacanta ku haya deegaannada ku yaalla duleedyada Muqdisho.

5/23/2012 3:08 AM EST
Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka sheegtay guulo dagaallo culus oo shalay ku dhexmaray duleedka Muqdisho, iyadoo ay xalaadda goobihii lagu dagaalamay maanta yihiin kuwo nabdoon.

5/23/2012 2:46 AM EST
Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — Shirka madaxda Soomaalida uga socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa weli isku mari dhowr qodob oo ka mid ah dastuurka, iyadoo sidoo kalena uu jiro muran ku saabsan qaabka loo xulayo ergooyinka ansixinta dastuurka iyo kuwa soo xulaya baarlamaanka cusub.