4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2012
Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegtay inay baarayso Warbaahinta Qaarkeed oo faafiyay warar ka dhan ah Nabadda

Arbaco, May 23, 2012 (HOL) — War-saxaafadeed ay wasaaradda warfaafinta DKMG ah ee Soomalaiya soo saartay ayaa lagu sheegay in warbaahinta Soomaalida qaar ka mid ah baaritaanno lagu sameynayo kuwasaoo ay sheegeen inay faafiyeen warar lagu aflagaadeynayo madaxda DKMG ah, laguna abuurayo jahwareer ku saabsan nabadda iyo heshiiska Roadmap-ka.

Warkan ayaa lagu sheegay in baaritaanka lagu sameynayo warbaahinta madaxa-bannaan ee Soomaaliya ka jirta, iyadoo aanay jirin cid si gaar ah farta loogu fiiqay, iyadoo la sheegay in warbaahintaas ay leeyihiin dad dano-gaar ah wata.

"Waxaa muhiim ah in la ogaado in dhaqankan uu ku kooban yahay oo kaliya kooxo saxaafadda u adeegsada ujeeddooyin gaar ah, kuwaasoo shacabka marin-habaabin ku haya. Saxaafadda inteeda badan ma ahan kuwo ku sifeysan tilmaamahan, balse intooda badan waxay gutaan waajibka ka saaran ku dhaqanka sharciga saxaafadda ee ka jira dalka oo uu baarlamaanka DFKG ogolaaday sanadkii 2007-da," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka waxaa lagu shegay in shuruucda saxaafadda ay si cad u qeexayso cawaaqibta ka dhalan karta markii ay saxaafadda baahiso warar ku saabsan aflagaaddo, sumcad-dillid, been-abuur iyo xumaan ula kac ah taasoo ka mamnuuc ah in saxaafadda lagu baahiyo.

"Dowladda waxaa ka go’an inay dhowrto saxaafada xorta ah, laakiin in shuruucda u dagsan saxaafadda la dafiro oo been laga abuurto dowladda, shacabka, cuqaasha iyo waxgaradka iyadoo baad la weydiisanayo – ma ahan mid loo dulqaadan karo," ayaa sidoo kale lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda.

Warkan kasoo baxay xukuumadda ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay dowladdu ku sheegto inay baaris ku sameysaynayso saxaafadda xorta ah, iyadoo isla warkan lagu sheegay in idaacadaha Muqdisho mid ka mid ah oo laga baahiyay in mas'uul dowladda ka tirsan uu lunsaday ama xaday hantidii dowladda iyadoo aysan jirin wax caddeyn ah oo arintaas loo daliishaday.

"Sharciga wuxuu sheegayaa ma'suuliyad iyo anshaxa wanaagsan in loo hogaansamo markii ay idaacad gudbineyso wararka, si saxaafadda ay xornimadeeda u hanato. Markii shati la siinayo warbaahin, waxaa shuruudaha ka mid ah in idaacadda ay buuxin karto waajibaadka ka saaran bulshada, gaar ahaan in la xaqiijiyo faaf-reebidda waxyaabaha lidka ku ah anshaxa bulshada, beenta, cayda iyo shaqsi-weerarka," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn, waxaa lagu sheegay warka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta in dalka uu ku talaabsaday jawi nabadeed iyo mid xasilooni, taasoo ay dowladdu ugu gogol-xaareyso dhaqan-galka saxaafad xor ah oo madax-bannaan iyo bulshada buuxisa doorkeeda si loo gaaro dib-u-heshiisiin dhab ah.

Milkiilayaasha idaacadaha ayaa laga dalbaday inay ka digtoonaadaan inay sharciga saxaafadda jabiyaan iyo inay hor-istaagaan hannaanka nabadda iyagoo baahinaya warar carqalad ku ah nabadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya