4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2012
Maxkamadeynta Dhallinyaro Soomaali ah oo loo haysto Afduubka Dooni kuwa Raaxda ah oo ka billaabatay Faransiiska

Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Maxkamadeynta lix dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku eedeysan afduubka dooni kuwa raaxada ah oo ay la socdeen 30 shaqaaalaha doonida ah ayaa ka furantay maanta magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.

Doonida raaxada ah ee la afduubay oo lagu magacaabo Le Ponant ayaa waxaa la afduubay sannadkii 2008 iyadoo ka timid jasiiradda Seychelles waxayna ku socotay dalka Yemen oo ay ka qaadi lahayd dalxiisayaal.

Mid ka mid ah dhallinyaradan ayaa qirtay inuu afduubay doonida, halka laba kalena ay sheegeen inay doonida u tageen sidii ay uga iibsan lahaayeen ari, sigaar iyo qaad ay iyagu ganacsi ahaan u wateen, halka saddexda kalena ay diideen inay doonida cag saareen.

Lixdan ruux oo rag ah ayaa waxay da'oodu u dhexeysaa 25-sano illaa 50-sano, hadii lagu helo dambiga loo haystana waxay mudan doonaan xabsi daa'in, waxaana la sheegay in kooxahan la siiyay madaxfurasho lacageed, balse markii ay doonida ka dageen ay soo qabteen ciidammo Faransiis ah.

Ciidamada Faransiiska ayaa waxay weerareen kooxdan oo wata gaari noociisu yahay Toyoto, iyadoo laga helay gaariga lacag gaaraysa 200,000 oo dollar iyo hub kala duwan.

Qaar ka mid ah shaqaalihii doonida la socday ayaa ku marqaati kacay in raggaas ay ahaayeen kuwii afduubka ku haystay, balse qareenka u doodaya dhalinyaradan oo lagu magacaabo Martin Pradel ayaa sheegay in raggan ay ahaayeen kuwo safar ku jiray markii la qabanayay.

Raggan ayaa la filayaa in xukun lagu rido bartamaha bisha Juun ee sanadkan haddii lagu helo dambiga loo haysto. Iyadoo la sheegay in tirada Soomaalida ah ee loo haysto burcadbadeednimada oo ku xiran Faransiiska ay gaarayaan 22-ruux.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya