4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2012
Dadweynaha Somaliland oo Aragtiyo kala duwan ka bixiyay hadalkii Danjire Mahiga uu ku Naqdiyay Go’aankii Maxkamadda Milatariga

Talaado, May 22, 2012 (HOL) — Dadweynaha Somaliland ayaa siyaabo kala duwan u arkay hadalkii ka soo yeedhay Ergayga Qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Danjire Mahiga, kaas oo naqdiyey xukunkii maxkamadda Milatariga Somaliland ku xukuntay koox dabley ahayd oo weerartay Xero Ciidan, halkaasi oo toddoba qof ku dhinteen, tiro intaas ka badana ku dhaawacmay.

Dadweynaha Somaliland ayaa intoodda badani hadalka ka soo yeedhay Ergayga Augustine Mahiga ku tilmaamay inuu yahay mid sharciga iyo madaxbanaanidda ummadaha ka hor imanaya, isla markaana ku xad-gudbay siyaasada arrimaha gudaha ee dalka, waxaaanay sheegeen inuu u dhaqmayo inuu somaliland u yeedhiyo sida uu rabo, halka qaar kalana sheegeen in ergayga QM ay shaqadiisi tahay arrimahani, isla markaana ay tahay inuu ka hadlo maadaama oo uu yahay ergayga xoghayaha Qaramadda midoobay u qaabilsan Somalia.

Sidaasna waxay u sheegeen HOL oo wax ka waydiisay aragtidda ay ka qabaan hadalkaasi uu Danjire Mahiga ku naqdiyey go’aankii ka soo baxay Maxkamadda , iyagoo arrimahaasi aragtiyo kala duwan ka bixinaya waxay u dhacday sidan:

"Dalkeenu wuxuu qaatay dastuur islaami ah oo shareecadda islaamka ka hor imanayn, sidaa darteed wakiilku waxa uu diidan yahay inaynu ku dhaqano shareecadda islaamka waxa uu ka dagaalamayaa waa xukunka dilka ah ee diintu ogoshahay in qofkii qof dila in la dilo, markaa waxa uu cadaystay dagaalku u kula jiro diinta iyo xeerarka dhaqankeenna, dadkan la xukumayna dil bay gaysteen dadna way laayeen"sidaas waxa ku dooday Maxamed Cismaan oo ku nool magaaladda Hargeysa.

Maxamed Xaamud Xirsi oo ka mid ah aqoonyahanada somaliland ayaa isna taageeray hadalka ka soo yeedhay Wakiilka xoghayaha guud ee QM, waxaanu yidhi " Mahiga waa wakiilka QM u qaabilsan Somalia, inuu arrintan ka hadlana waa shaqadiisa, waayo somaliland wali ma helin ictiraaf caalami ah sidaa darteed waxay wali ku hoos jirtaa Somalia markaa inuu arrimaha somaliland soo dhexgalo oo dhacdo jirta uu sida uu arko Ra’yigiisa ka dhiibto waa shaqadda uu u xilsaaran yahay"

"Hadalkaasi ka soo yeedhay ergayga waxaan u arkaa khalad, waayo qaran garsoorkiisu go’aangaadhay in qof dibadda joogaa soo dhexgalo ma haboona, waana ka xumahay in arrimaha gudaha ee dal la soo faro galiyo"sidaasna waxa tidhi Muha Maxamed oo iyana ka mid ah hablaha wax ka barta jaamacadaha dalka.

Mukhtaar Suldaan Xuseen oo ka ah aqoonyahanka somaliland oo arintan aragtidiisa ka dhiibanaya waxa uu yidhi " waa khalad in arrimo wadan u gaar ah inuu Mahiga ka hadlo, waayo isagu waa xubin hay’adeed, sida darteed ma dhexgali karo xeerarka iyo arrrimaha ay ummadduhu ku heshiiyeen ama dhigteen"

"waxaan Mahiga u sheegayaa inay farogalin qaawan tahay in laga hadlo qaanuunka uu dal leeyahay haddii maxkamadda milatari iyo mid caadi ah lagu xumo dadkaasi ku kacay fal dambiyeedkaasi ay tahay mid u gaar ah arrimaha somaliland "sidaasna waxa yidhi Maxamuud Xuseen Jawhar.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha somaliland ayaa ku kala aragti duwanaa hadalkan ka soo yeedhay wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Danjire: Mahiga oo naqdiyey go’aankii maxkamadda Milatari oo uu sheegay in dadkaasi la geeyo maxkamad caadi ah.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland