4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2012
Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo sheegay in shirka ka furmaya Addis Ababa aysan jirin cid dhinacooda uga qaybgalaysa

Isniin, May 21, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna Waljamaaca ee gacanta ku haya qaybo badan oo ka tirsan gobolka Galguduud ayaa sheegay inaysan jirin cid uga qaybgalaysa dhankooda shirka looga hadlayo Roadmap-ka iyo dastuurka ee maanta ka furmaya Addis Ababa.

Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay inaysan Ahlusunna ka qayb-gelayn shirkaas isagoo beeniyay inay xubno ka tirsan Ahlusunna ka qaybgalayaan shirka.

"C/qaadir Macalin Nuur horay ayaan ugu magacownay xoghayaha ururka Ahlusunna ee gobolka Banaadir, balse markii dambe wuxuu dowladda ka noqday wasiir, markii dambena taliyaha Sheekh Shariif, markana innaga nama matalo," ayuu yiri Sheekh Maxamed Xeefow.

Guddoomiyaha Ahlusunna wuxuu shirkan ku tilmaamay mid uu wato xafiiska UN-ka u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya ee UNPOS, isagoo ku eedeeyay xafiiskan inuu ku ritay jeebka siyaasadda Soomaaliya, iyaguna aysan diyaar u ahayn inay shirkaas ka qaybgalaan.

Mas'uulka Ahlusunna shirka ku matalaya ayaa wuxuu ka mid yahay la tailyeyaasha gaarka ah ee Sheekh Shariif, isagoo horay u sheegay inuu ka mid yahay saraakiisha Ahlusunna Waljamaaca ugu jira dowladda Soomaaliya.

Ururka Ahlusunna oo ka mid ah saxiixayaashii Roadmap-ka ayaa horay u diiday inay u qaadacay heshiiskaas, inkastoo ay dib u taageereen, iyadoo Ahlusunna ay ka mid tahay maamullada taageersan dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho. Soomaaliya