3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2012
Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dad shacab ah ka saaray Xarumo Wasaaradeed oo Muqdisho ku yaalla

Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa saakay ka saaray dadkiii deggenaa iyo kuwii ku ganacsanaya ka saaray dhismayaal wasaaradeed oo ku yaalla agagaarka isgoysyada Banaadir iyo Zope.

Xarumaha dadka laga saaray ayaa waxaa ka mid ahaa: dhismaha wasaaraddii hore ee hiddaha iyo tacliinta sare oo ahayd goobo ganacsi iyo hoy, wasaaraddii hore ee qorsheynta Qaranka oo iyadana ahayd hoy iyo goob lagu iibiyo hubka iyo weliba wakaaladdii hore ee biyaha Xamar oo iyadana ay deggenaayeen dad ay ku jiraan qoxooti u dhashay Zinzibar.

"Dhismaayaasha Wasaaradaha dadka laga saaray waa kuwo loo diyaarinay inay ku shaqeeyaan wasaaradaha dowladda," ayuu yiri G/sare Khaliif Axmed Ereg oo ah taliyaha ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya ee gobolka Banaadir.

Boqolaal ganacsato iyo qoysas ah oo ku noolaa wasaaradahan ayaa laga saaray iyadoo dadka qaarkood ay howlgalkan ku tilmaameen mid aan horay loogu war-gelin laguna qasbay inay alaabooyinkooda kala baxaan halkaas.

"Ma jirto wax ogeysiis ah oo nala siiyay, waxaa saakay noo yimid ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM waxayna nagu qasbeen inaan halkaas ka guurno," ayuu yiri mid ka mid ah dadka ganacsiyada ku haysay wasaaraddii hore ee hiddaha iyo tacliinta sare.

Intii uu howgalku socday ayaa waxaa la hakiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo ganacsiga inta u dhexeysa wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare oo u dhexeysa isgoysyada Zope iyo KM4 iyo weliba wakaaladdii hore ee biyaha Xamar oo ku taalla isgoyska Banaadir.

Gaadiidka ciidamada AMISOM ayaa intii uu howlgalku socday ku sugnaa halkaas iyadoo meelaha qaarkood loo diidayay inay dadku si lug ah ku maraan, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo dowladdu ay horay ugu baaqday in laga guuro xarumaha dowladda ee Muqdisho ku yaalla.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/10/2012 8:50 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalacsiiyay 141-sarkaal oo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo uu ku jiro taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye.

5/10/2012 7:36 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Wafdi ay hoggaaminayaan wasiirro ka socda dalalka Koonfur Afrika iyo Musambiik ayaa maanta booqday Muqdisho iyagoo la kulmay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali lana hadlay odayaasha-dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho.

5/10/2012 6:56 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mid ah ay yihiin shacab ayaa ku dhintay qarax ciidamada dowladda KMG ah lagula beegsaday jidka Soddonka ee Muqdisho iyo iska-horimaad dhexmaray ciidamada dowladd KMG ah oo ka dhacay jidka warshadaha.

5/10/2012 6:23 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay oo Khamiis ah tababar ugu soo xiray dalka Uganda boqlaal ka tirsan askarta dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo muddo lix bilood ah tababar ku qaadanayay dalka Uganda.

5/10/2012 3:47 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku toogtay sarkaal lagu magacaabi jiray, Axmed Maxamed Nuur (Fanax) oo ka mid ahaa saraakiisha hay'adda samafalka Islamic Relief.

5/10/2012 3:45 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay in ka badan 20-kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo duleedka degmada Xudur ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.