6/4/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2012
Dad shacab ah oo ku dhintay Qarax lala beegsaday ciidammo ka tirsan kuwa DKMG iyo Iskahorimaad dhexmaray ciidammo kale

Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mid ah ay yihiin shacab ayaa ku dhintay qarax ciidamada dowladda KMG ah lagula beegsaday jidka Soddonka ee Muqdisho iyo iska-horimaad dhexmaray ciidamada dowladd KMG ah oo ka dhacay jidka warshadaha.

Qaraxa lagu weeraray ciidamada oo ka dhacay inta u dhexesa isgoyska Baar Ubax iyo isgoyska Carwo Idko ee jidka soddonka ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo rayid ah iyadoo ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale oo iyagana shacab ahaa.

Goobjoogayala ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ka dhashay bambaano askarta lagu tuuray ayna arkeen khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah yadoo aan la ogeyn khasaaraha gaaray ciidamadii lagu weeraray qaraxaas.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay weerarkaas, iyadoo markaas kaddib uu jidku xirmay inkastoo daqiiqado kaddib uu dib u furmay, waxaana qaraxan uu kusoo beegmayaa xilli ay sii kordhayaan qaraxyada ka dhacaya Muqdisho.

Dhanka kale; askari ayaa lagu dilay qof kale oo shacab ahna dhaawac ayaa kasoo gaaray iska-horimaad ku dhexmaray jidka warshadaha gaar ahaan inta u dhexeysa garoonka kubadda cagta Muqdisho iyo warshaddii hore ee sigaarka iyo tarraqa ciidammo ay halkaas isbaaro u taallay iyo ciidammo kale oo dowladda ka tirsan.

Iska-horimaadkan ayaa wuxuu u dhexeeyay ciidammo doonayay inay goobtaas ka qaadaan isbitaaro u tiillay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, balse waxaa looga itaal roonaaday ciidamadii weerarka ahaa.

Goobtii uu iska horimaadku ka dhacay ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamadii horay ugu sugnaa ee ay isbaaradu u taallay, iyadoo saraakiisha dowladda ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan iskahorimaadkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/10/2012 8:50 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalacsiiyay 141-sarkaal oo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo uu ku jiro taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye.

5/10/2012 8:06 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa saakay ka saaray dadkiii deggenaa iyo kuwii ku ganacsanaya ka saaray dhismayaal wasaaradeed oo ku yaalla agagaarka isgoysyada Banaadir iyo Zope.

5/10/2012 7:36 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Wafdi ay hoggaaminayaan wasiirro ka socda dalalka Koonfur Afrika iyo Musambiik ayaa maanta booqday Muqdisho iyagoo la kulmay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali lana hadlay odayaasha-dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho.

5/10/2012 6:23 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay oo Khamiis ah tababar ugu soo xiray dalka Uganda boqlaal ka tirsan askarta dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo muddo lix bilood ah tababar ku qaadanayay dalka Uganda.

5/10/2012 3:47 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku toogtay sarkaal lagu magacaabi jiray, Axmed Maxamed Nuur (Fanax) oo ka mid ahaa saraakiisha hay'adda samafalka Islamic Relief.

5/10/2012 3:45 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay in ka badan 20-kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo duleedka degmada Xudur ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.