4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2012
Taliyaha ciidamada Xoogga oo Tababar ugu soo xiray dalka Uganda Boqolaal ka tirsan Ciidamada Soomaaliya

Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay oo Khamiis ah tababar ugu soo xiray dalka Uganda boqlaal ka tirsan askarta dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo muddo lix bilood ah tababar ku qaadanayay dalka Uganda.

Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo hadal u jeediyay askarta ayaa u sheegay in sababta tababarkan loo siiyay ay tahay sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

"Waajibaadkiinna intiisa badan waa inaad qayb ka qaadataan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay dalka uga sugan tahay," ayuu yiri Jen. Diini oo intaas ku daray in dowladda KMG ay dadaal ugu jirto inay dalka oo dhan ka saarto kooxda Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dalka Uganda ayaa ku sugnaa halka munaasabadda lagu qabtay, iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in ciidamada dowladda ay tababarkooda ku dhameystaan muddadii loogu talogalay.

Tababarkan ayaa waxaa dhaqaalihiisa bixiyay Midowga Yurub iyadoo dalka Uganda ay ku deeqday xeryaha tababarka lagu siinayo, mana ahan ciidamadii ugu horeeyay oo tababar kusoo qaata dalka Uganda.

Ciidamadan ayaa waxaa lagu wadaa inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya, xilli ay dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM isku diyaarinayaan inay howgallo ka fuliyaan dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya