3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2012
Kooxo hubeysan oo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ku dilay Mas'uul ka tirsanaa Hay'adda Samafalka Islamic Relief

Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku toogtay sarkaal lagu magacaabi jiray, Axmed Maxamed Nuur (Fanax) oo ka mid ahaa saraakiisha hay'adda samafalka Islamic Relief.

Dilka sakaalkan ayaa waxaa geystay laba qof oo bastoolado ku hubeysan, kuwaas oo goobta ka baxsaday markii ay dilka fuliyeen, lamana oga sababta keentay inay sarkaalkan toogtaan.

"Marxuumka waxaa lagu toogtay bartamaha Baydhabo, waxaana dilay laba nin oo bastoolado ku hubeysan," ayuu goobjooge ku sugan degmada Baydhabo u sheegay HOL, isagoo xusay inaan la garanayn sababta ay u dileen.

Sarkaalka la dilay ayaa wuxuu ka mid ahaa xubnihii furay xafiiska hay'adda Islamic Relief ee Baydhabo bishii Ogoosto ee sannadkii lasoo dhaafay, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilkiisa.

Maamulka dowladda KMG ah ee gobolka Bay ayaan weli ka hadlin dilka sarkaalkan loogu geystay bartamaha Baydhabo, iyadoo dilkan uu qayb ka nqoonayo dilal dhowr ah oo horay uga dhacay degmadaas, balse waxay maamulku dilalkan ku eedeeyaan Xarakada Al-shabaab.

Degmada Baydhabo ayaa waxaa tan iyo dhammaadkii bishii Feberaayo ee sannadkan gacanta ku hayay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya kaddib markii ay isaga baxeen xoogaggii Al-shabaab, waxaana lagu dilay tan iyo xilligaas ciidammo ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah oo fara badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/10/2012 8:50 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalacsiiyay 141-sarkaal oo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo uu ku jiro taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye.

5/10/2012 8:06 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa saakay ka saaray dadkiii deggenaa iyo kuwii ku ganacsanaya ka saaray dhismayaal wasaaradeed oo ku yaalla agagaarka isgoysyada Banaadir iyo Zope.

5/10/2012 7:36 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Wafdi ay hoggaaminayaan wasiirro ka socda dalalka Koonfur Afrika iyo Musambiik ayaa maanta booqday Muqdisho iyagoo la kulmay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali lana hadlay odayaasha-dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho.

5/10/2012 6:56 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mid ah ay yihiin shacab ayaa ku dhintay qarax ciidamada dowladda KMG ah lagula beegsaday jidka Soddonka ee Muqdisho iyo iska-horimaad dhexmaray ciidamada dowladd KMG ah oo ka dhacay jidka warshadaha.

5/10/2012 6:23 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay oo Khamiis ah tababar ugu soo xiray dalka Uganda boqlaal ka tirsan askarta dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo muddo lix bilood ah tababar ku qaadanayay dalka Uganda.

5/10/2012 3:45 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay in ka badan 20-kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo duleedka degmada Xudur ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.