4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2012
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo kulan la yeeshay Madax dhaqameedyadda Somaliland

Talaado,May 1, 2012 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulan la yeeshay madax dhaqameedka Somaliland, kuwaas oo ka kala yimid goboladda Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa madax dhaqameedyadda ku amaanay doorkii ay ka qaateen nabadgalyadda iyo horumarka ay gaadhay Somaliland, isago sheegay in la’aantood aanay waxba suurtogasheen.

Sidoo kale, waxa uu warbixin ka siiyey halka ay Somaliland marayso iyo wada hadaladii Somaliland iyo soomaaliya u dhexeeyey, isagoo sheegay in labadda dhinacba ay guddi uga qaybgalla wada hadalkaasi soo saareen.

 “Mudanayaal dawladda Somaaliland maanta way kow iyo labaatan jirsatay runtiina nabada aynu ku faano ee aynu ku naaloono cida abuurtay waa madax dhaqameedka Somaliland ee salaadiintu ka kaw tahay ayey ahaayeen”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku, waxa uu intaas ku daray “dawladdeena awood ay ku wada gaadho dalka ma jirto, waxaase maanta nabadaasi gees ka gees hayaa waa madax dhaqameedka Somaliland, taasi oo marka koowaad aad iyo aad aan idiinku hambalyeynayno wada jirka iyo midnimada aynu ku ilaalino nabada aynu maanta ku naaloono”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka somaliland.

Shirkan ayaa markii dambe isku kaliyeysteen madax dhaqameedyadda iyo madaxweyne ku xigeenka, iyagoo la sheegay inay arrimo badan ka wada hadleen oo ay ku jirto madax dhaqameedyadda soomaalidda ee lagu ururinayo magaaladda Muqdisho, si ay usoo doortaan baarlamaanka soomaaliya, taas oo xukuumadda Somaliland ka soo horjeeddo in madax dhaqaameedyadda Somaliland ka qaybgalaan salaadintaasi gobolada Somalia laga soo ururinayo, isla markaana uga digtay salaaantu inay ka qaybgalaan oo magaca Somaliland ku xaadiraan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland