4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2012
Diyaarad Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo kasoo qaadi lahayd odayaal ka Qaybgeli lahaa shirka Muqdisho oo la Rasaaseeyay

Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Diyaarad maanta kasoo qaadi lahayd Degmada Doolow ee gGedo odayaal ka qayb-geli lahaa shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya oo Muqdisho ka dhici doona ayaa lagu rasaaseeyay, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dowladda ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG ah, Maxamed Cabdi Kaliil oo arrintan uga warramay saxaafadda ayaa sheegay in diyaaradda markii ay soo dagtay lagu furay rasaas nala waaweynna lagu shiday, taasna ay keentay inay dib uga duusho garoonka.

"Waxaa garoonka la dhex-dhigay gaari tikniko ah, ciidammo badanna waa lagu wareejiyay... markii ay diyaaraddu soo cago-dhigatay ayaa waxaa lagu furay rasaas waxayna ka carartay garoonka iyadoo ku laabtay Nairobi," ayuu yiri Kaliil oo sheegay in odayaashii si xun loola dhaqmay.

Guddoomiyaha gobolka Gedo wuxuu falkaan ku eedeeyay dad diyaasbaro ah oo uu sheegay in gobolka ay carqalad ka wadeen, inkastoo aysan jirin cid uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay, isagoo xusay inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kuwii ka dambeeyay falkan.

Afhayeenka dowladda KMG ah ee gobolka Gedo, Aadan Axmed Xirsi (Rufle) oo isana la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in kooxihii falkan geystay ay qaarkood gacanta ku dhigeen kuwii kalena ay raadinayaan, wuxuuna xusay in falkii lagula kacay ay aad uga xumaadeen.

"Diyaaraddu odayaal dhaqan ah oo shirka Muqdisho u socday ayay qaadi lahayd waana la xabbadeeyay taasoo keentay inay dib uga dhoofto garoonka," ayuu yiri Aadan Rufle.

Xukuumadda Soomaaliya aya waxay toddobaadyadii ugu dambeeyay odayaal ka keenaysay gobollada dalka si ay uga qaybgalaan shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee dowladda kaasoo ay dad badan mucaaradeen, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo lagu horjoogsado odayaal doonaya inay ka qaybgalaan shirka Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya