4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2012
SAMIIRA XAASHI: "Aad ayaan uga naxay markii gabar Soomaaliyeed ay ii sheegtay in la kufsaday iyadoo Uur leh"

Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Samiira Xaashi oo ah gabar Soomaaliyeed oo 21-jir ah kuna noo dalka Britain oo ay dharka ka xayeysiiso ayaa Muqdisho dhawaan soo booqatay iyadoo ka sheekeysay dhibaatooyinkii ay ku aragtay, gaar ahaan dhibka haysta haweenka Soomaaliyeed ee barakacayaasha ah.

Samiira oo ay Muqdihso ay qoyskeedu ka guureen iyadoo saddex sano jir ah ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay dib ugu soo laabato ayna si dhab ah u aragto nolosha dadka ku nool, maadaama ay kala socon jirtay oo keliya saxaafadda.

"Waxaan Soomaaliya ka ogaa oo dhan waa mid aan ka heli jiray warbaahinta, sida macluusha, nafaqo-darrada, abaaraha, argagaxisada, burcabadeedda iyo dhiigga qubanaya," ayay tiri Samiira.

Gabadhan Soomaaliyeed waxay sheegtay inaysan goobaha qaar tagin sababo la xiriira ammaanka, balse waxay sheegtay inay goobihii ay tagtay ay ku baratay gabar lagu magacabo Shukri oo ay isku da' yihiin, taasoo aanay u suurogelin inay ka tagto Soomaaliya sideeda oo kale.

"Nasiib-darro Shukri ma aysan helin fursad ay dalka uga baxsato sideenna oo kale, waxayna nolosheeda oo dhan waxay ka baratay dagaallo, rabshado, burbur iyo dhiig daadanaya," ayay tiri Samiira oo ka sheekeynaysay Shukri.

Waxay sheegtay in saddex caruur ah oo ay Shukri dhashay oo da'doodu kala ahayd saddex sano, laba sano iyo toddoba bilood waxay ka dhinteen sannadkii 2010-kii kaddib markii uu kula dhacay gurigooda hoobiye ay soo tuureen Al-shabaab, taasoo niyadjab xoog leh ku ridday.

Malaayiin qof oo Soomaali ah ayaa noloshooda ku waayay dagaalalda Soomaaliya ka socda, malaayiin kale waxay khatar ugu jiraan xaalado caafimaad oo aad u daran kuwaasoo aan helin biyo nadiif ah oo ay cabaan iyo raashin ku filan.

"Aad ayaan uga argagaxay markii gabar Soomaaliyeed ay ii sheegtay in la kufsaday iyadoo uur leh," ayay tiri Samiira oo sidoo kale sheegtay in kaamka ay booqatay ay kula kulantay laba haween ah oo iyagana si khasab ah loogu galmooday.

"Kufsigu saacado ayuu qaatay. Waxaan ka baqnay inaan dhimmanno," ayay igu tiri mid ka mid ah haweenkii la kufsaday ayay Samiino hadalkeeda raacisay. "Markii hore halkan nabad ayaan ku qabnay, laakiin hadda mar walba oo aan qoryo doonanno kufsi ayaa naloo geystaa. Mararka qaarkood caruurta yaryar ayaa la kufsadaa,"

Samiira waxay sheegtay in kaam ay booqatay loo sheegay in afar jeer haween lagu kufsaday muddo bil gudaheed ah, iyadoo xustay in kufsigu aad ugu sii kordhayo Muqdisho oo ay ka taliso dowladda KMG ah.

Sidoo kale, gabadhan Soomaaliyeed ee dharka xayeysiisa waxay sheegtay inay ku soo gabgabeysay safarkeedii Soomaaliya magaalada Hargeysa, halkaasoo ay aad u amaantay nabadda ka jirta, waxayse sheegtay in gudniinka fircooniga ah iyadoo ku sheegtay warbixinteeda in 98% gabdhaha ku nool Somaliland loo gudbo fircooni.

Ugu dambeyn, waxay sheegtay in safarkeedii Soomaaliya ay ku tagtay uu kusoo dhamaaday naxdin iyo murugo. Waxayna noqonaysaa gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horreysay oo sheeko ka qorta wixii ay kala kulantay Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya