4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 1 , 2012
Dagaal degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku dhexmaray Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab

Talaado, May 01, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 11-qof oo dhinacyadii dagaalamay iyo shacab isugu jira ayaa ku dhintay dagaal xalay gudaha degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkan oo qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay weerarro ku qaadeen saldhig ay ciidamada DKMG ah ku lahaayeen bariga degmada Xudur ayaa wuxuu socday in ka badan saacad, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay dad fara badan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus oo hubka kala duwan la isku adeegsaday, iyadoo dadka dhintay ay ku jireen laba qof oo shacab ah, kuwaas oo middood ay ahayd haweeney, sidoo kale dad dhaawacmay ayaa waxaa iyagana ku jiray shacab.

"Dagaalku wuxuu ahaa mid soo qaadeen kooxda Al-shabaab waana iska difaacnay, waxaan ka dilnay 15 ka mid ah dagaalyahannadooda," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bakool ee dowladda KMG ah, Maxamed Cabdi Tool.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo dhankooda kasoo gaartay dagaalka, inkastoo uu xaqiijiyay in xoogagga Al-shabaab ay gudaha u soo galeen bariga degmada ayna isaga baxeen markii uu dagaalku dhammaaday.

Afhayeenno u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna sheegay inay weerar qorsheysan ku qaadeen degmada Xudur ayna ku dileen ciidammo fara badan oo kuwa DKMG ah ka tirsan inkastoo aanay sheegin tiro sugan, weerarkaas kaddibna ay dib xoogaggoodu kusoo laabteen goobihii ay ka duuleen.

Xaaladda degmada Xudur ayaa saakay daggan, waxaana gacanta ku haya ciidanka DKMG ah iyo kuwa Itoobiya, iyadoo dadka degmadaas ku nool uu cabsi weyn ku beeray dagaalkii xalay oo ahaa kii ugu xogganaa ee degmadaas ay Al-shabaab ku qaaddo tan iyo markii laga qabsaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya