4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Arizona: Hay'adda SomCare oo kulan dhaqaale loogu aruuriyo loogu sameeyey gobolka Arizona


Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) - Kulan dhaqaale iyo taageero loogu sameynayo hay’adda SomCare ayaa lagu qabtay gobolka Arizona maalintii Sabtida ee bishan Maarso 24keedii.

Xaliima Cabdirizaaq oo ka mid ahaa dadkii soo qabanqaabiyey kulankan ayaa HOL uga warbixisay ujeedada kulankaan oo ay ku tilmaamtay: a) In guddoomiyaha hay’adda SomCare Cabdicasiis Maaxaay uga  warbixiyo hay’adda SomaCare iyo waxqabadkeeda dadweynaha reer Arizona. B) In dadweynaha ree Arizona lagu dhiirigaliyo in ay ka qaybqaataan horumarinta hay’adda SomCare iyo in aan ka mid noqo gobolada iyo wadamada adduunka oo ka qaadanayo sidii loo kaalmeyn laha carruurta ku dhibaateysan dalka  Soomaaliya.

Waxaa ugu horeyntii halkaas ayadaha quraanka kariimka ah ka aqriyey Sh. Maxamed Guuleed. Waxaa ka dib  halkaas dadkii ku soo dhaweeyey  Cali Dheer oo ka socday ururka Somali Association of Arizona oo halkaas uga mahadnaqay dadkii ka soo qaybgalay kulanka. Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Inj. Saxardiid Ismaaciil, Xoriyo Daahir, Cabdi Mudasir oo agaasime ka ah hay’adda Somali Bantu Development of Arizona, Maxamed Cabdullahi, Cabdullahi Tima-Dheere, Hoda Xirsi iyo Farxiyo Imaan oo dhammaantood ka wada tirsan jaaliyadda gobolka Arizona

Waxaa kulanka sidoo kale ka hadlay oo lagu martiqaaday kulankaan Ibraahim Abiikar Noor iyo Axmed Cilmi Guure oo ka kala yimid gobolka Minnesota iyo Ottawa, Canada.

Waxaa ugu dambeystii halkaas warbixin dheer oo maqal iyo muuqaal wadata halkaas ka soo jeediyey Cabdicasiis Muuse Maaxaay oo ka warbixiyey hay’adda SomCare iyo waxqabadkeeda. Wuxuu sidoo kale u mahadnaqay dhallinyaradii soo qabanqaabisay kulankaan aad u qurxda badan oo ay mid ahaa yeen: Faaduma, Bahjo, Hani , Farxiya, Yuusuf, Cabdiraxmaan (ABUU), Xamse iyo Maandeeq. Waxaa xusid mudan in Safiya Adan oo si weyn u soo qabanqaabisay kulankaan aysan u suura-galin in goobjoog ka noqoto sababo la xiriira qoyskeeda. Waxaa kale ee uu mahadnaqay ganacsatada reer Arizona gaar ahaan Bishaaro Caffe, Caffee Nationzale, Maqaayadda Jubba iyo Masjid Alraxma

Dadweynaha reer Arizona ayaa waxay ballanqaadeen in ay mustaqbalka ka qaybqaadandoonaan hawlaha lagu daryeelayo Soomaalida ku dhibaateysan dalka Soomaaliya.

Gobolka Arizana ayaa waxaa ku nool Soomaali ka badan 16,000. Waxayna ka mid yihiin jaaliyadaha si xoogan u soo dagayo gobolkan.