4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Xoogagga Ahlu Sunna iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay gacan-ku-heynta degmada Ceel-buur

Isniin, March 26, 2012(HOL): Wararka naga soo gaaraya degmad Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay gacan-ku-heynta degmadaas la wareegeen Xoogagga Ahlu Sunna Waljamaaca oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah.

Wararku waxay intaas ku darayaan in xoogaggan is-xulufeysanaya ay dagaal la’aan la wareegeen gacan-ku-heynta degmada Ceel-buur, iyadoo xoogaggii Al-Shabaab oo horay ugu sugnaana ay isaga baxeen.

La-wareegitaanka Degmada Ceel-buur ee Xoogagga Ahlu Sunna iyo Ciidamada Itoobiya ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo saaka uu dagaal xooggan ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Ceel-la-helay.

Sidoo kalena la-wareegitaanka degmada Ceel-buur ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoog badan ay ka jireen deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Hiiraan Online News Desk