4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 26, 2012
Safaarada Soomaalida ee Nairobi oo baroor diiq u samaysay geeridii madaxweynihii hore ee Soomaaliya (SAWIRRO)
BAROOR8.jpg

Isniin, March 26, 2012 (HOL) - Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa u furtay buuga tacsida madaxda Soomaalida ee ku dhaqan Kenya iyo dublamaasiyiinta shisheeye.

Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo furay buuggga tacsida iyo baroor diiqda loo samaynayo madaxweynihii hore C/laahi Yuusuf Axmed oo shalay lagu aasay magaalada Gaalkacyo ayaa u duceeyay madaxweyne Yuusuf oo uu ku tilmaamay inuu ahaa nin qaranka u soo halgamay.

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo kasoo qaybgalay baroor diiqda ayaa ku tilmaamay C/laahi Yuusuf inuu ahaa nin ay ka go'antahay midnimada Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay inay wax badan wada qabteen intii ay wada shaqaynayeen taasoo ay kamid ahayd furitaanka safaarada Soomaaliya ee magaalada Nairobi.

BAROOR.jpg

Safiirrada wadamada Maraykanka,Talyaaniga,Australia,Itoobiya,Iiraan,Sucuudi Carabiya,Algeria, qaramada midoobay iyo wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya Moses Wetangula ayaa u yimid safaarada inay tacsi u diraan shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii madaxweyne Yuusuf iyagoo tacsidoodana ku saxiixay buugga tacsida.

Waxaana safaarada la suray sawirka marxuum C/laahi Yuusuf madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dhammaan safiirradii kasoo qaybgalay baroor diiqda ayaa uga tacsiyeeyay Soomaalida geeridii ku timid madaxweynihii hore.

Xildhibaano iyo madax kala duwan oo kamid ah DKMG ah ee Soomaaliya ayaa iyaguna qayb ka ahaa baroor diiqda oo ay sidoo kalana ka qayb galeen shacab ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee dalka Kenya.

Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay inay buuga tacsida uu furnaan doono maalmaha soo socda si fursad loo siiyo dublamaasiyiinta kala duwan ee ku dhaqan dalka Kenya, kuwaasoo doonaya in farriinta tacsida ay u gudbiyaan DKMG ah ee dalka Soomaaliya.

BAROOR10.jpg
BAROOR11.jpg
BAROOR12.jpg
BAROOR13.jpg
BAROOR14.jpg
BAROOR9.jpg
BAROOR16.jpg
BAROOR15.jpg
BAROOR2.jpg
BAROOR3.jpg
BAROOR4.jpg
BAROOR5.jpg
BAROOR6.jpg
BAROOR7.jpg
BAROOR17.jpg

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya