4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Saxiixayaashii Roadmap-ka oo kulan ay ku eegayaan Wixii u Qabsoomay ku leh Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Saxiixayaashii Roadmap-ka ayaa waxay kluan looga hadlayo wixii ka qabsoomay heshiiskaas uu xilligan uga socdaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo lagu wado in isla maanta ay go'aanno kasoo baxaan.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ah: madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan, ra'iisul wasaare C/weli Gaas, danjire Augustine Mahiga, madaxweynaha Puntland, C/ramxaan Faroole iyo xubno ka socda Ahlusunna iyo Galmudug.

Shirkan oo ka socda garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ayaa waxay xubnaha ka qaybgalaya uga doodayaan wixii ka qabsoomay heshiiska Roadmap oo Muqdisho lagu saxiixay sannadkii hore.

Afhayeenka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in afarta qodob ee heshiiskan ugu muhiimsan looga hadlayo, isagoo intaas ku daray in qodobada looga hadlayo shirkan qaarkood ay qabsoomeen.

Heshiiska Roadmap oo looga baxayo xiliga KMG ah ayaa waxaa lagu gaaray shir ka dhacay bishii September ee sannadkii hore Muqdisho, waxaana shirka ka socda Gaalkacyo kasoo horjeestay madaxweynaha Galmudug oo dibadda ku maqan.

Mas'uuliyiinta kulanka ka qaybgalaya ayaa gallinka dambe ee maanta waxay soo saarayaan qodobbo ay ku heshiiyeen, kuwaasoo ku saabsan wixii ka qabsoomay iyo wixii aan ka qabsoomin heshiiska tubta nabadda ama Roadmap-ka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya