4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Dagaal Gobolka Galguduud ku dhexmaray Ciidamada Itoobiya, kuwa Ahlusunna iyo Xoogagga Al-shabaab

Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Dagaal u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-la-helay oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkan, ayaa haddana wuxuu qarxay markii xoogagga Al-shabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna, waxaana dagaalku uu socday muddo kooban.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in deegaanka lagu dagaalamay uu saldhig u ahaa xoogagga Al-shabaab, waxaana tan iyo shalay ka socday deegaanno ka tirsan gobolkaas barakac ay sameynayaan dadka.

Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay sheegeen in ciidamada Itoobiya kuwii Ahlusuna ee isla socday ay u jiheysteen dhinaca degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo ah saldhigga ugu weyn Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolkaas.

Mas'uuliyiinta Ahlusunna, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab kama aysan hadlin dagaalka maanta ku dhexmaray deegaanka Ceel-la-helay, balse guddoomiyaha golaha fulinta Ahlusunna ayaa horay u sheegay inay ku wajahan yihiin ciidamadooda iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya degmooyinka Ceelbuur iyo Maxaas oo ka kala tirsan Galguduud iyo Hiiraan.

Boqolaal ciidamada Itoobiya ka tirsan ayaa waxay todobaadkan gaareen Guriceel iyo Dhuusomareeb oo ka tirsan gobolka Galguduud, halkaasoo ay dhowr jeer oo hore weerareen xoogagga Al-shabaab. Iyadoo Ahlusunna ay sheegtay inay gacan ka siinayaan ciidamada Itoobiya dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya