4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Madaxweynaha Somalia oo Maamullada Galmudug iyo Puntland ka dalbaday inay isku furaan Magaalada Gaalkacyo

Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ku boorriyay maamullada Galmudug iyo Puntland inay isku furaan la isku furo magaalada Gaalkacyo oo labada maamul ay ka taliyaan.

Xubno ay ka mid yihiin, Sheekh Shariif, ra'iisul wasaare, C/weli Gaas, guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee DKMG ah ayaa waxay kulan ku saabsan sidii la isugu furi lahaa magaalada Gaalkacyo la yeesheen mas'uuliyiinta Galmudug oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynnaha Galmudug, C/samad Nuur Guuleed.

"Waxaan rabaa inaan u mahadcelinayo, waxgaradka, ganacsatada iyo shacabka Galmudug ee isku howlay inay ka shaqeeyaan ammaanka iyo horumarka Galmudug," ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay kulanka.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ay ka shaqeynayso sidii ay u furi lahayd dekedda Hobyo, taasoo uu ku sheegay inay qayb ka qaadnayso is-dhexgalka shacabka ku nool Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo.

"Howshan waa mid ay ahayd inay qabto dowladda KMG ah, balse maamulka Galmudug uu qabtay waana ka mahadcelinaynaa. DKMG ah waxay diyaar u tahay inay gacan siiso maamulka," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Gaas oo isaguna goobta ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in maamulka Galmudug uu kaalin muuqata ka qaadatay la dagaalanka kooxaha burcadbadeedda, xukuumaduna ay diyaar u tahay inay gacan siiso maamulka Galmudug.

Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay magaalada Gaalkacyo tageen shalay si ay uga qaybqaataan aas Qaran oo loo sameynayay madaxweynihii geeriyooday ee Soomaaliya, Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya