4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Ergayga Mareykanka ee Arrimaha Soomaaliya oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Ergayga Mareykanka u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, James Swan ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay lagu aasay magaaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa lagu sheegay in mr. Swan uu warqad tacsi ah u diray madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif taasoo uu uga tacsiyeynayo geeridii marxuum C/llaahi Yuusuf oo geeriyooday 23-kii bishan.

"Aad ayaan uga naxay maqalkii geeridii ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/llaahi Yuusuf. Madaxweyne Yuusuf wuxuu ka mid ahaa dadka aad uga muuqday Soomaaliya in ka badan labaatan sano. Wuxuu taariikh ku lahaa xorriyadda dalka, isagoo noqday madaxweynaha Soomaaliya xilli ay xaalad khatar ahi jirtay," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee uu ku saxiixnaa Swan.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay inuu tacsi u dirayo qoyskii uu ka geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, xukuumadda KMG ah shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo 78-jir ah ayaa wuxuu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Abuu-Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta Jimcihii hore, isagoo u dhintay xanuun dhinaca sababada ka asiibay.

Ugu dambeyn, marxmuunka ayaa waxaa lagu aasay shalay magaalada Gaalkacyo, iyadoo lasoo mariyay Muqdisho oo loogu sameeyay munaasabad Qaran oo sagootin ahayd.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya