4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dhaawacay Wariye Muxyadiin Xusni oo ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle

Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maqribnimadii xalay waxay dhaawac ugu geysteen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir madaxa wararka ee idaacadda Shabelle, Muxyadiin Xasan Maxamed (Xusni) oo isla shalay kasoo laabtay magaalada Baydhabo isagoo ka mid ahaa wariyeyaal Shariif Xasan u raacay halkaas.

Wariyaha ayaa waxay xabbadi kaga dhacday laabta, inkastoo dhaawiciisu uu yahay mid fudud, waxaana kooxihii weerarka ku qaaday wariyaha iyo ciidamada maamulka degmada dhexmaray iskahorimaad muddo kooban socday, inkastoo ay kooxahaas u suurogashay inay baxsadaan.

"Anigoo maraya meel ku dhow shineemo Muqdisho ayaa laba wiil oo dhallinyaro ah igu soo baxeen, mid ka mid ah horay ayuu iga maray, midka kalena gadaal, iyagoo markiiba billaabay inay bastoolado lasoo baxaan, aniguna waxaan dadaal u galay sidii aan uga baxsan lahaa, Alle ayaan iga badbaadiyay," ayuu yiri Muxyadiin Xusni.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa bishii hore lagu dilay agaasimihii hore ee idaacadda Somaliweyn, Abuukar Kadaf, waxaana dilkiisa geystay laba nin oo ku hubeysnaa bastoolado.

"Kooxihii weerarka geystay way baxsadeen, waana lagu raad-joogaa, mana ogin sababta keentay inay weerarka geystaan," ayuu yiri guddoomiyaha Wadajir, Axmed Xasan Caddow (Daaci) oo isaguna saxaafadda la hadlay.

Wariye Muxsin ayaa xalaaddiisu wanaagsan tahay, isagoo la hadlay saxaafadda ayuu sheegay inuu aad u wanaagsan yahay, waxaana weerarkan uu noqonayaa mid ka mid ah weerarrada lagu hayo suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho.

Bishii Jannaayo ee sannadkan ayay ahayd markii xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir lagu dilay agaasimihii idaacadda Shabeelle, Xasan Fantaastik, waxaana toogtay laba nin oo hubeysan kuwaasoo ay u suurogashay inay baxsadaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya