4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2012
Masar oo yeelatay madaxweynihii ugu horreeyay ee si xor ah loo soo doorto

MASAR2.jpg

Axad, June 24, 2012 (HOL) - Malaayin masaari ah ayaa isugu soo baxay guud ahaanba magaalooyinka kala duwan ee waddanka Masar iyagoo u dabaal dagaya guusha u soo hooyatay Maxamed Mursi oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorto.

Dadka ugu badan ayaa ku sugan bartamaha Qaahira, gaar ahaanna barxadda xorriyada ee loo yaqaano Maydaan Taxriir, kuwaasoo samaynaya dabaal dagyo, wacadna ku maray inaysan halkaas ka tagi doonin tan iyo inta ay milatarigu ka noqonayaan la wareegitaanka qaar kamid ah awoodihii madaxweynaha cusub.

Waxay kaloo dalbanayaan dadka kacdoonka wada in madaxweynaha cusub lagu dhaariyo Maydaan Taxriir.

Morsy_2012.jpg
Madaxweynaha cusub ee waddanka Masar Maxamed Mursi

Madaxweynaha cusub ee waddanka Masar Digtoor Maxamed Mursi oo kasoo jeeda gobolka Sharqiya ee waddanka Masar, kana tirsan ururka Ikhwaan Muslimiinka oo khudbad ka jeediyay taleefishinka qaranka ayaa ballan qaaday inuu si isku mid ah ugu cadaalad fali doono dadka waddankiisa.

Wuxuu ammaan gaar ah u soo jeediyay ciidamada milatariga, booliska iyo waliba garsoorka dalka oo uu ku ammaanay inay suura galiyeen doorashada xorta ah ee Masar ka dhacday.

Wuxuu ballanqaaday inuu ilaalin doono heshiisyadii Masar ay la gashay wadamada caalamka, balse si gaar ah uma tilmaamin heshiiskii Masar iyo Israel, iyadoo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu uu sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka shacabka Masar ay ku soo doorteen madaxweynahooda cusub.

Maxamed Mursi ayaa wadamada caalamka u ballanqaaday calaaqaad wanaagsan, wuxuuse sheegay inaysan Masar faragalin ku samayn doonin arrimaha wadamada kale, aysan aqbali dooninna in iyada arrimaheeda la faragaliyo.

Wuxuu sheegay inuu ilaalin doono sharafta dadka wadanka Masar meel walba oo ay aduunka ka joogaan, wuxuuna ka digay in lasoo weeraro Masar isagoo sheegay in ciidamada qalabka sida ee dalkiisa ay awood leeyihiin Inay dalka ka difaacaan cid walba oo ku soo xadgudubta.

Dadka waddanka Masar ayaa hadal hayntooda ugu badan ay noqotay markii uu madaxweynaha cusub si lama filaan ah ku tagay xarunta taleefishinka qaranka isagoo aysan la socon wax waardiye ah.

Ka hor inta uusan khudbadiisa jeedin ayuu mid mid u gacan qaaday shaqaalaha taleefishinka oo aan arrintaas uga baran madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Xusni Mubaarak.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha cusub ee waddanka Masar ayay hortaalla hawl adag oo ay kamid tahay dib u soo noolaynta dhaqaalihii waddankaasi oo dhulka galay 30-kii sano ee uu xilka hayay Xusni Mubaarak oo lagu tilmaamo inuu ahaa kii ugu musuqmaasuqa badnaa ee soo mara taariikhda dalkaasi.

Marka laga reebo Israel, caalamka intiisa kale waxaa si wayn looga soo dhaweeyay doorashada dimuqraadiga ah ee ka dhacday waddanka Masar.

Waxaase is waydiin mudan sida dadka Soomaaliyeed ay uga faa’iidaysan karaan tajribada waddanka Masar oo lagu tilmaamay inay cashar u tahay wadamada dunida sadexaad.

MASAR.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya