3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 24, 2012
Kooxo hubeysan oo Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee Somaliland xalay ku toogtay Magaalada Laascaanood
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay goob lagu fiirsanayay ciyaar ka tirsan horyaalka kubadda cagta ee Yurub oo u dhexeysay Faransiiska iyo Spain xeer ilaaliyihii maxkamadda gobolka Sool ee Somaliland, Axmed Maxamed Xaaji Cali.

Xeer ilaaliyaha ayaa waxaa lagu dilay rasaasta bastooladda isagoo isla goobta ku dhintay, waxayna ciidamada Somaliland isla xalay qabteen ruux ay sheegeen inuu ka mid ahaa kooxihii dilka xeer ilaaliyaha geystay.

"Waxaa socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo kooxihii dilka geystay," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Laascaanood ee Somaliland, Maxamuud Cali Geelle oo saxaafadda la hadlay. Wuxuuna hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay in markii ay u dhammaadaan baaritaannadu ay bixin doonaan faahfaahinno dhaaraad ah.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka marxuumka, isagoo noqnaya mas'uulkii lixaad oo laga dilo hay'adaha garsoorka Somaliland ee ka howgala degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Gobolka Sool, gaar ahaan degmada Laascaanood ayaa ka mid ah goobaha ay isku hayaan Somaliland iyo Puntland, waxaana dhowr jeer ka dhacay dilal loo geysatay mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland, kuwaasoo aanay jirin cid sheegatay mas'uuliyaddooda.

Xaaladda degmada ayaa saakay daggan, iyadoo lagu arkayo gudaha degmadaas ciidammo booliis ah oo baaritaanno sameynaya, halka dadweynuhuna ay aad u hadal hayaan dilkii xalay dhacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
6/24/2012 5:13 PM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) - Malaayin masaari ah ayaa isugu soo baxay guud ahaanba magaalooyinka kala duwan ee waddanka Masar iyagoo u dabaal dagaya guusha u soo hooyatay Maxamed Mursi oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorto.

6/24/2012 3:47 PM EST
Axad, June 24, 2012(HOL): Kooxda Jaaliyadda Isboortiga Soomaalida Vienna ee waddanka Austria waxa ay ka qeyb gashay tartan Isboorti oo sanadla ah oo loo qabto Jaaliyadaha Adduunka ee ku nool wadanka Austria gaar ahaan caasimada Vienna.

6/24/2012 8:29 AM EST
Axad, Juun,24, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, ayaa baaq gurmad ah ujeediyey hay’adaha caalamiga, kuwa Qaramadda midoobay iyo kuwa Wadaniga ah inay si degdeg ah ugu gurmadaan abaar adag oo ka jirta qaar ka mid ah goboladda Somaliland ah, kuwaas oo uu sheegay inay labaatan kun oo qof saamayn ku yeelatay.

6/24/2012 8:28 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL)- Dahabshiil Group, ayaa Mashaariic Khayriya Oo Iskugu Jira Deeqo Lacaga Iyo Dhisida Dhismayaal Ka Hirgaliyay Magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

6/24/2012 8:22 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Hay'adda Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa ugu baaqday dunida inay kordhiyaan gargaarka ay siiyaan carruurta Soomaaliyeed ee ka cararaya abaaraha iyo colaadaha ka jira Soomaaliya.

6/24/2012 8:05 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Hay'adda midowga dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta siminaar looga hadlayay sida qoysaska loogu saleyn dhaqanka suuban iyo caqiidada ugu qabatay Muqdisho odayaasha dhaqanka.

6/24/2012 6:52 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay murashaxiinta fara badan ee isku soo taagaya ka qaybgalka doorashooyinka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

6/24/2012 4:16 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Iyadoo mar kale deegaanno ka tirsan gobollada Galguduud iyo Mudug ay ka soo if baxeen dilal u dhaxeeya beelo halkaa wada dega oo marka danbana keeni kara dagaallo ka dhax qarxa labada beelood, ayaa waxaa arintaa u is taagay sidii looga hortagi lahaa guddi bilihii ugu danbeeyayba ku howlanaa sidii nabad looga dhalin lahaa deegaannada ay colaaduhu ka jiraan.

6/24/2012 4:04 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Xidhihbaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa isku soo taagay xilka madaxnimo ee Soomaaliya, isagoo kaga dhawaaqay inuu murashax yahay xaflad Sabtidii shalay ka dhacday Muqdisho.

6/24/2012 3:14 AM EST
Axad, June 24, 2012 (HOL) — Falalkan oo kala ahaa qarax ka dhacay degmada Madheera oo ay ku dhaawacmeen laba sarkaal oo booliiska dalkaas ka tirsan, qof Soomaali ah oo lagu dilay Dhadhaab iyo kooxo hubeysna oo afduubay gaari ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay ka dhacay dalka Kenya.