3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 22, 2012
Shirkii saxiixayaasha Roadmapka uga soconayay Nairobi oo lasoo gabagabeeyay (DAAWO SAWIRRO)
MADAXDA11.jpg

Jimco, June 22, 2012 (HOL) - Saxiixayaasha Roadmapka oo kala ah, Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Wakiilka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf ayaa shir ugu dhammaaday magaalada Nairobi.

Shirkan oo loogu talagalay markiisii hore inuu laba bari ku soo gabagaboobo ayaa saxiixayaasha Roadmapka maanta ugu dhammaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
 
Waxaana looga wada tashanayay horumarka laga sameeyay khariirada nabadda ee Soomaaliya, gaar ahaanna arrimaha dastuurka iyo soo afjarida Kumeel gaarka iyadoo maalin dheeri ah lagu daray wakhtigii loogu talagalay in lagu soo afmeero kadib markii ay dhinacyada Soomaalida isku khilaafeen arrimo dhowr ah.
 
Arrimaha uu khilaafku ka taagnaa ayaa waxaa ugu wayn dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya iyo gudiyada kala duwan ee ka shaqaynaya dhammaystirkiisa.
 
MADAXDA12.jpg

Waxaana ugu dambayntii ay ku heshiiyeen hogaamiyayaasha Soomaalida oo cadaadis culus kala kulmay qaramada midoobay iyo beesha caalamka in guddigii uu muranku ka dhashay ee farsamada magaciisa loo badalo guddiga fududaynta arrimaha dastuurka uuna guddoomiyo wasiirka dastuurka Soomaali C/raxmaan Xoosh Jibriil iyadoo gudigana la siiyay awood ah inuu u bandhigo dastuurka golaha ansixinta ee loo yaqaano ( Constituent Assembly ) , kadib marka dastuurka wacyi galintiisa ay sameeyaan gudiga madaxabannaan ee IFCC.

Waxaa kale oo lagu heshiiyay qodobadan hoos ku xusan iyadoo madaxda Soomaalidu ay ku tilmaameen heshiiskii maanta mid taariikhi ah, oo horseedi doona marxad cusub oo ay Soomaaliya gasho.

1. Protokoolada Dhameystirka Kumeelgaarka:

a) Saxiixayaasha Khariidadda Dhameystirka Xilliga  KMG ah markay ka doodeen dib-u-eegidna ku sameeyeen dhameystirka KMG ah oo ay kasoo shaqeeyeen Guddiga Farsmo ee Dib-u-eegidda Dastuurka ee lagu soo dhisay heshiiskii Addis Ababa ee qabsiimay  May 21-23, 2012, waxay isku raaceen saxiixeenna qodobada soo socda:

1. Protokoolka Guddiga Farsamo ee soo xulidda xubnaha  baarlamaanka.

2. Protokoolka dhisaya Guddiga sahlaya socodsiinta hawlaha Farsamo (Technical Facilitation Committee).

3. Protokoolka dhisaya Ergeda Golaha Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly).

4. Protokoolka dhisaya Baarlamaanka Federaalka ee Qaranka Somalia (National Federal Parliament).

Sidoo kale, Madaxweynaha DFKMG ah wuxuu saxiixay Xeer ay goobjoog ka yihiin dhammaan Saxiixayaasha, Xeerkaasoo ogolaanaya Protokoollada kor ku xusan oo dhisaya nidaam sharci ah oo lagu dhamaystiro geedi-socodka Dastuurka Somalia iyadoo loo marayo ansixin ku meel gaar ah (provisional adoption) ee Dastuurka Somalia oo ay u codeenayaan Ergada Ansixinta Dastuurka.

2. Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah

Saxiixayaasha ayaa si wadajir ah u saxiixay nuqulkii ugu dambeeyey ee Qabyo-Qoraalka Dastuurka KMG ah oo ay soo dhamaystireen Guddiga Farsamo ee Dib-u-eegida Dastuurka (Technical Revision Committee) ee Addis Ababa. Kani hadda, waxaa weeye, Dastuur KMG ah ee Somalia. Guddiga kor ku xusan magaciisa waxaa loo badalay Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), waxaana Gudoominaya Wasiirka Arrimaha Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFKMG ah.

Inta aan Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah la hordhigin Ergada Ansixinta Dastuurka, Hey’adda IFCC ayaa qaban doonta wacyi-gelin si loo kordhiyo aqoonta Dadweynaha ee arrimaha Dastuurka KMG ah, wacyigalintaasoo qaadan doonta muddo dhan 4-berri. IFCC ayaa Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah dib ugu celin doonto Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee), Guddigaasoo ah Guddiga leh mas’uuliyadda u bandhigidda Ergada Ansixinta ee Qabyo-qoraalka Dastuurka KMG ah.

3. Ergada Ansixinta Dastuurka (National Constituent Assembly)

Shirweynaha Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa furmi doona 12 July 2012 wuxuuna soo xirmi doonaa 20 July 2012. Ergada Ansixinta Dastuurka waxaa la kala dirayaa markii ay soo gabogabeeyaan codeynta ansixinta KMG ah ee Qabyo-qoraalka Dastuurka, ka hor inta aan loogu soo bandhigin Dadweynaha Soomaaliyeed cod-bixin toos ah.

4. Dhisida Guddiyada Dhamaystirka Xilliga KMG ah

Sida ku xusan Heshiiskii Addis Ababa, xubnaha Guddiyada hoos ku qoran ayaa la magacaabay:

a) Guddiga Farsamo ee Xulida (Technical Selection Committee)

b) Guddiga Dhexdhexaadinta Odayaal-Dhaqameedka (Elders Arbitration Committee)

c) Guddiga Farsamo ee Fududeynta Howlaha (Technical Facilitation Committee)

d) Xafiiska Xiriirinta ee Saxiixeyaasha (Roadmap Signatories Coordination Office)

Magacyada xubnaha Guddiyada kor ku xusan waxaa lagu soo uruurin doonaa Dowladda Federaalka KMG oo si dhaqso ah ugu soo bandhigi doonto Dadweynaha Somaaliyeed.

5. Wakhtiga ka dhiman Xilliga KMG ah

Saxiixayaasha ayaa si wadajir ugu heelanyihiin inay ilaaliyaan wakhtiga kama dambaysta ah ee lagu go’aamiyey Heshiiskii Addis Ababa, waxayna si wadajir ah u go’aansadeen in la dhamaystiro Xilliga KMG ah iyo in la hirgaliyo hanaan siyaasadeed oo cusub oo waafaqsan Dastuurka KMG ah oo ay u codeeyeen Ergada Ansixinta Dastuurka.

Waxaana hogaamiyayaasha Soomaalidu ay ballan qaadeen inay ka go'antahay soo afjarida xilliga kumeel gaarka ah oo aysan jiri doonin wakhti kororsi dambe.

MADAXDA14.jpg
MADAXDA3.jpg
MADAXDA4.jpg
MADAXDA10.jpg
MADAXDA6.jpg
MADAXDA5.jpg
MADAXDA9.jpg
MADAXDA7.jpg
MADAXDA8.jpg
MADAXDA13.jpg
MADAXDA1.jpg
MADAXDA2.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya











Click here
6/22/2012 2:47 PM EST
Jimco, June 22, 2012(HOL): Xaflad si heer sare ah loo soo agaamisay isla markaana lagu caleemo saarayay Caaqilka Beesha Digil iyo Mirifle ee Somaliland Caaqil Cali Maxamed Ibraahim “Cali Iraaqi” ayaa maanta ka dhacday Hall-ka City Center Hotel ee magaalada Hargeysa.

6/22/2012 8:29 AM EST
Jimco, June 22, 2012(HOL): Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden ayaa waxaa xalay lagu qabtay xaflad lagu shaacinayay musharaxnimada madaxweynenimo ee siyaasiga Jaamac Cali Jaamac.

6/22/2012 4:58 AM EST
Jimco, June 22, 2012 (HOL) — War ay Xarakada Al-shabaab soo saartay saacado ka hor ayay ku sheegtay in weerar gaadmo ah oo ka dhacay Ceelasha biyaha ay ku dileen taliyihii ciidamada dowladda KMG ah ee deegaanka Ceelasha biyaha, Afrax Cali Afrax.

6/22/2012 4:58 AM EST
Jimco, June 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee dalka Soomaaliya, kaddib kulan uu xalay kula yeeshay Nairobi Somaalida halkaas ku nool, isagoo rajo ka muujiyay inuu xilka madaxnimo ee Soomaaliya ku guuleysan karo.

6/22/2012 4:52 AM EST
Jimco, June 22, 2012 (HOL) — Qaar ka mid ah ehellada lamaanayaashii afuubka loogu haystay Soomaaliya muddada labada sano ku dhow ee shalay lasii daayay ayaa sheegay inay bixiyeen lacago madaxfurasho ah.

6/22/2012 4:51 AM EST
Jimco, June 22, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaal ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho oo gacanta ay ku hayaan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.