4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 22, 2012
Ehellada la haystayaal Koonfur Afrikaan ah oo shalay lasii daayay oo sheegay inay lacago madaxfurasho ah bixiyeen

Jimco, June 22, 2012 (HOL) — Qaar ka mid ah ehellada lamaanayaashii afuubka loogu haystay Soomaaliya muddada labada sano ku dhow ee shalay lasii daayay ayaa sheegay inay bixiyeen lacago madaxfurasho ah.

Gabara la dhalatay Bruno Pelizzari oo lagu magaaabo, Nora Wright ayaa sheegtay in labo toddobaad ka hor ay bixiyeen lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa nus-malyuun doollarka Mareykanka ah si loo siiyo kooxihii haystay, waxayna sheegtay in lacagtaas ay ku wareejiyeen kooxo u dhexeeyay burcadbadeedda iyo iyaga.

"Lacagta aan bixinnay waxaan u bixinnay sidii ay lamaanuhu ay xorriyadooda u heli lahaayeen," ayay tiri Ms. Wright iyadoo sheegtay inay ku faraxsan yihiin in lasoo daayo ehelladooda muddada dheer la haystay.

Dowladda KMG ah ayaa sheegtay shalay inay kusoo furatay labadan qof awood ciidan oo socotay muddo saacado ah, inkastoo aysan sheegin goobta lagu haystay iyo halka uu howlgalku ka dhacay.

Lamaanahan ayaa waxaa sannadkii 2010 loo qabsaday afduub, waxaana tan iyo xiligaas lagu haystay gudaha Soomaaliya, iyagoo ku farxay xorriyadooda waxaana isla shalay laga dhoofiyay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya