3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 18, 2012
Dilalka loo geysanayo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika oo si aad ah u soo kordhaya

Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Waxaa uga curtay dalka Koonfurta Afrika dilalka loo geysanayo Soomaalida ku noo dalkaas iyadoo toddobaadkan oo keliya lagu dilay dalkaas 14-qof, waxaana la isku raacay in dadkaas laga tooganayay laba meelood oo kala ah wadnaha iyo madaxa oo ah meelaha ugu halista badan jirka aadanaha.

Dilkii u dambeeyay waxaa lagu qaarijiyay Allaha u naxariistee, Maxamed Barre Maxamud oo da’diisa ahayd 25-jir, waxayna xabaddu ka haleeshay wadnaha xiligii la dilayna wuxuu joogay dukaankiisa. Ganacsadahan ayaa markii ay xabbadu ku dhacday lug ku tagay dukaan ku dhegenaa kiisa halkaasoo looga qaaday gaari lagu geeyay isbitaalka Day-Hospital oo uu ku geeriyooday.

Maalintii Sabtida ahayd ayaa la aasay laba muwaadin oo lagu dilay deegaanka Philipi oo aan sidaa ugu sii fogeyn halka lagu dilay marxuum, Barre waxayna dhanka waqooyi kaga beegan tahay magaalada Cape Town.

Sidoo kale; wararka naga soo gaaraya gobolka North West ee isla dalka Koonfurta Afrika ayaa sheegay in xalay lagu dilay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabo, Maxamed Maxamud Axmed oo da’diisa ahayd 22-jir ; waxaana lagu dhuftey lix xabadood mana jirto wax laga qaatay dukaankiisa, waxaana arrintaas saxaafada u xaqiijiyay guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida gobolka North West, C/raxmaan Ukun.

Afhayeen u hadlay booliiska dalka Koonfurta Afrika oo lagu magacaabo, Milkayi Makaleli ayaa sheegay in maalmahan ay soo badanayaan dilalka loo geysanayo Soomaalida; isagoo intaas ku daray inay wax ka qabanayaan dhibaatada lagu haayo Soomalida ganacsiyada ku heysta magaalooyinka Koonfur Afrika.

Ma jirto illaa hadda cid loo qabtay dilalka aan kala go'a lahayn ee loo geysanayo dadka Soomaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika; iyadoo arrintan ay soo xasuusinayso Soomaalida dalkaas ku nool, dilalkii dhacay sannadihii 2005 iyo 2006 iyadoo maalin walba la aasi jiray laba ama saddex Soomaali ah oo lagu dilay goobahooda ganacsi iyadoo aan wax hanti ahna laga qaadan.

Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Koonfurta Afrika (SOJASA) oo hormuud ka ah u doodayaasha xoriyatul qowlka ama hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta ayaa qorsheynaya in arrintani lagu baahiyo saxaafadda Koonfur Afrika kuwooda ugu afka-dheer si loo muujiyo dhibaatada lagu haayo ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool dalkaas.

Maxamed-deeq Muuse Nuur (Deeq-darajo)
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika













Click here
6/18/2012 12:29 PM EST
Isniin, June 18, 2012(HOL): Orodyahan Soomaaliyeed oo degan magaalada Nijmegen una orda dalka Holland ayaa ku guuleystey oradka 5000m ee dalka Holland oo lagu qabtey magaalada Amsterdam garoonkeeda Olympicsh Stadion taariikhdu marka aheyd 18 June 2012.

6/18/2012 8:35 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Kulan looga hadlayay sidii haweenka Soomaaliyeed ay kaalintooda uga qaadan karaan siyaasadda iyo hoggaanka dalka ayaa wuxuu ka furmay maanta xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Soomaaliya.

6/18/2012 8:24 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta kulan la yeeshay odayaasha-dhaqanka Soomaaliyeed ee ku shirsan Muqdisho ayaa wuxuu kaga dalbaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo gudbiyaan liiska ergadii ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.

6/18/2012 7:54 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa maanta magaalada Beledweyne ku qabtay baroordiiq loo dhigay sanad-guuradii sadaxaad ee kasoo wareegatay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee 18, June, sanadkii 2009 ka dhacay magaalada Beledweyne.

6/18/2012 7:51 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Kalluumeeysatada ka jalaabata xeebaha gobolka Jubada hoose ayaa ka canabeysa shaqo la'aan soo foodsaartay kadib markii la gudo galay xilliga Badxiranka oo gobollada Jubooyinka looga yaqaan "Xilliga Kuusiga".

6/18/2012 7:26 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Xisbiga xorriyadda iyo cadaaladda ee dalka Masar oo ay leeyihiin ururka Akhwaanul Muslimiin ayaa sheegay in hoggaamiyahooda uu guul ka gaaray doorashooyinkii madaxnimo ee labadii casho ee lasoo dhaafay ka dhacay dalkaas.

6/18/2012 4:24 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha ugu sarreeya Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo cajalad maqal ah oo uu soo saaray ku sheegay inay dagaallada wadayaan inta ay Soomaaliya ka hirgelinayaan dowlad Islaami ah.

6/18/2012 4:22 AM EST
Isniin, June 18, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay shalay gallinkii dambe iyo xalay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.