4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 17, 2012
Wadahadallada dhexmaraya DKMG Soomaaliya iyo Somaliland oo Arbacada soo socota ka furmaya Magaalada London

Axad, June 17, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in wadahadallada dhexmaraya DKMG Soomaaliya iyo Somaliland ay maalinta Arbacada ah ka furmayaan magaalada London ee dalka Britain.

Somaliland ayaa waxaa shirkan uga qaybgalaya shan xubnood, waxaana maanta ay ka dhoofeen Somaliland iyagoo kusii jeeda dalka Ingiriiska, iyadoo dowladda KMG ah aysan wax hadal kasoo saarin shirkan.

"Waxaanu doonaynaa inaan wadahadallada kusoo bandhigno madaxbannaanida iyo himilada shacabka Somaliland," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, isagoo sheegay in xubnaha dowladda ay ka filayaan inay ixtiraam uga helaan himilada shacabka Soomaaliyeed.

Kulankan oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa looga hadli doonaan arrimmo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya, inkastoo Somaliland ay ku adkeysanayso inay tahay dowlad ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale, ayna doonayso in shirka uu noqdo mid horseed u noqda in Somaliland ay madaxbannaani taam ah hesho.

"Dowladda Soomaaliya way nagu soo wargelisay xubnaha dhankooda ka imaanaya, waxaana rajeynayanaa in shirkan oo billow u ah shirar kale oo dhici doona ay kasoo baxaan qodobbo muhiim ah," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

Wasiirku wuxuu sheegay inay fikrado badan ay shirkaas ku wadaagi doonaan iyaga iyo xubnaha dowladda KMG ah ka socda, kuwaasoo ay ka mid yihiin mustaqbalka guud ee Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay kii ugu horreeyay oo dhexmara Somailland iyo Soomaaliya muddo 20-sano ah.

Mar la weydiiyay go'aankooda haddii loosoo bandhigo inay federaalka qayb ka noqdaan ayaa wuxuu yiri: "Nidaamka Somaliland kuma dhisna federaal mana ogolaan karno, waayo waxaanu nahay dowlad madaxbannaan."

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland wuxuu sheegay in shirkan ay ka qaybgalayaan xubno ka socda dalalka Ingiriiska, Norway iyo Midowga Yurub oo leh qaban-qaabada shirka, balse wadahadalladu uu yahay mid dhexmara iyaga iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya