3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2012
Dowladda Koonfur Afrika oo sheegtay inay Xirayso 30-ka bishan Xarun lagu qaabilo Qaxootiga ee ku taalla Cape-town
Jimco, June 15, 2012 (HOL) — Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Koonfur Afrika ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in 30-ka bishan June ay al-baabbada u xiri doonto xarun lagu qaabilo qaxootiga oo ku taalla Mitland ee magaalada Cape-town basle caddeysay in dadkii horey loo qaabilay loo samayn doono goobo kale oo lagu qaabilo.

Kulummo joogto ah oo maalmihii u dambeeyay ay wasaarada arrimaha gudaha ay u qabanaysay urrurada u dooda xaquuqda qaxootiga ay u soo bandhigtay sababaha loo xerayo iyo halka ay ku qaabili doonaan dadka soo galootiga ah ee imaanaya Koonfur Africa hey’adahasi waxaa ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee Koonfur Afrika (SASA).

Mas’uuliyiin ka socota wasaarada arimaha dibada ayaa ku qanciyay ururadii kazoo qeyb galay in loo rarayo xaduuda laga soo galo dalka isla markaana halkaasi lagu qaabili doono balse arintaasi ayaa la marsiin waayay hey’addo badan oo ay ka mid tahay tan SASA ayaa la rumaysan yahay in wasaaradani lala kori doono maxkamad sare.

Gudoomiyihii hore ee jaaliyada Soomaalyeed ee SASA, Xuseen Cali Cumar ayaa sheegay in arrintan ay dhabar-jab xoogan ku tahay soo-galootiga nolosha u soo raadsanaya Koonfur Africa wuxuuna warka intaasi ku daray in ay sii wadayaan dadaalada ay ku doonaayaan in xafiiskani uu sii furnaado maadaama uu haayo shaqo badan oo loo baahan yahay.

Xariirka guud ee jaaliyada Soomaalida South Africa SASA Xadiis Xaaji Aadan oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay in ay abaabulayaan banaanbax sal balaaran oo loogu soo horjeedo xeritaanka xafiiska qaabilaada Qaxootiga ku nool K/Africa.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay in qaxootiga cusub ee soo galootiga ah lagu qaabili doono xuduudda dalka, halka kuwa horey u joogay lagu qaabili doono daarta weyn ee Costom House iyo Home Affairs-ka weyn eek u yaala magaalada Cape Town Baraka Streed Agagaarka saldhiga Booliska iyo Maxkamada sare ee Cape Town.

Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo)
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika











Click here
6/15/2012 4:42 AM EST
Jimco, June 15, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Allaha u raxmadee, Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Muqdisho, kaddib markii uu laba casho ka hor ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

6/15/2012 4:42 AM EST
Jimco, June 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaal ka dhacay gobolka Gedo ay ku dishay askar u dhalatay dalka Siiraaliyoon, kuwaasoo ay sheegeen in ay ka barbar dagaalamayeen ciidamada dowladda KMG ee ku sugan degmada Yurkud ee gobolka Gedo.

6/15/2012 4:39 AM EST
Jimco, June 15, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley wiil dhallinyaro ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay, Cabdi Yare iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay wiilkaas.

6/15/2012 4:32 AM EST
Jimco, June 15, 2012 (HOL) — Kulan ballaadhan oo lagu qiimaynayo Abaaraha baahsan ee ka jira goboladda Awdal iyo Selel ayaa ka qabsoomay magaaladda Boorama ee gobolka Awdal, waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay Salaadiin, cuqaal, Ganacsato, siyaasiyiinta ururada siyaasadda, Hay’adaha dawladda ee qaabilsan arrimaha aafooyinka iyo Dadweyne kale oo badan.

6/15/2012 4:28 AM EST
Jimco, June 15, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno Dalka South Afrika ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo u dhashay dalkaasi ay xalay boob u geysteen ilaa 30 dukaan oo ay lahaayeen ganacsato u dhalatay dalalka Soomaaliya, Bangaladesh iyo Hindiya, iyadoona kooxahaasi ay qaateen gabi ahaan wixii yaallay Dukaamadaasi.