4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2012
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo xalay wiil dhallinyaro ah ku toogtay Xaafadda Laba-dhagax ee Degmada Wardhiigley

Jimco, June 15, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay xaafadda Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley wiil dhallinyaro ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay, Cabdi Yare iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay wiilkaas.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Laba-dhagax ayaa sheegay in wiilka la dilay uu ka mid ahaa dhallinyarada xaafadda ayna toogteen laba wiil oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo dilka kaddib baxsaday.

"Wiilka la dilay waxaa la dhihi jiray Cabdi Yare, wuxuuna kasoo baxay maqaayad isagoo ku socday gurigiisa," ayuu yiri mid ka mid ah dhallinyarada xaafaddaas ku nool, isagoo intaas ku daray in ciidammo dowladda ka tirsan ay goobtaas soo gaareen.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka wiilkaas, waxaana dhawaanahan ka dhacayay Muqdisho dilal qorsheysan oo loo geysanayo dadka rayidka ah, iyadoo aysan jirin cid sheegata inay mas'uul ka tahay.

Dhanka kale, shalay gallinkii dambe ayaa lagu dilay gudaha suuqa Bakaaraha ruux rayid ah oo lagu magacaabi jiray Bootaan, kasoo aan la ogeyn sababta loo dilay iyo cidda dishay.

Dilalkan ayaa waxay imaanayaan xilli ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ay la wareegeen toddobaadyo ka hor degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo xarun u ahayd Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya